Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar ku soo rogay dhamaan darawalada gaadiidka qaada dadweynaha sida bajaajta, BL- ka iyo mootooyinka fekonta, iyagoo faray in aanay qaadi karin askari hubeysan.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar oo saxaafada la wadaagay awaamiirtan ayaa sheegay in go’aamadan ay ka soo baxeen shir amni oo ay xalay yeesheen madaxda Maamulka Gobolka.
darawalada mootooyinka bajaajta ayaa ka soo horjeestay amarka Maamulka Gobolka, iyagoo tilmaamay in askarta hubeysan ay xoog ku raacayaan mootoyinkooda isla markaana aanay awoodin in ay taasi ka biyo diidaan.
Tallaabada uu maamulku qaaday ayaa ku soo aaddaysa xilli jimcihi aynu ka soo gudubnay ay rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerareen hotel ku yaalla xeebta liido.