Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa xukun ku riday rag ajaanib ah, kuwaas oo xeebaha dalka Soomaaliya ka waday kaluumeysi sharci darro ah.
Raggan oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 36 ruux, ayaa xeebaha dalka ka waday kaluumeysi sharci darro ah, iyagoo howshan waday muddo aad u dheer.
Ajaanibtan oo ka soo kala jeeda dalalka Iiraan iyo Pakistan, ayaa lagu xukumay in midkiiba uu bixiyo 11-kun oo dollar, iyo 30-kun oo dollar oo magdhaw u ah kaluunkii ay kala baxeen xeebaha dalka.
Raggan 36-da ah, ayaa watay doomo iyo maraakiib, ay saaran yihiin qalab casri ah oo lagu soo jiaabto kalluunka, waxaana gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya, ee dhawaan la howlgaliyey.
Xeebaha dalka Soomaaliya, ayaa 30-kii sano ee aynu ka soo gudubnay wajahayey dayac aad u fara badan, waxaana si sharci darro ah uga kalluumeysanayey maraakiib laga leeyahay dalalka Afrika iyo Aasiya.