Bajaajlayaasha Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan jadwalka ka billawday Caasimadda ee ah in maalinba ay shaqeyso bajaaj isku midab ah.
Shalay oo uu jadwalkan dhaqan galay waxaa shaqeeyey bajaajyada ku sumeydan xarafka A, halka maantana ay shaqeynayaan kuwa ay ku qoran tahay xarafka B.
Bajaajlayaasha aan aragtidooda weydiinay ayaa is bar bar dhig ku sameeyey, dhaqaalihii hore usoo gali jiray iyo kan usoo xarooday markii jadwalkan la billaabay.
Bajaajlayaasha qaar ayaa sheegay, in ay ku diirsadeen jadwalkan cusub, kaas oo wax badan ka baddelay lacagihii jeebkooda soo gali jiray, oo iminka sida ay tilmaamayaan kordhay.
Balse kuwo kale ayaa aaminsan aragti taas ka duwan, waxeyna sheegayaan in ay hoos u dhacday lacagtii ay heli jireen, sababo la xiriira culeyska canshuurta iyo rakaabka oo kooban.
Ugu danbeyntii darawalada Bajaajta oo u badan dhallinyaro ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in laga qafiifiyo lacagaha canshuurta ah ee ay dhiibaan, maaddaama la soo koobay maalmihii ay shaqeynayeen.
WQ: Ayaanle Qoyste