Inkasta oo is baddelo waa weyn oo dhanka siyaasadda ay dalka ka dhaceen, haddana siyaasada soomaaliya 20-kii sano ee ugu danbeysay kama gudbin nidaamka awood qeybiga ee 4.5, kaas oo ay dad badan dhaliilaan, waxaana jirta in hannaankan aanu wax raad ah ku lahayn Dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Haddaba hay’ada cilmi baarista ee Somali Public Agenda ayaa daraasad ay sameysay ku soo bandhigtay saameynta uu nidaamkan awood qeybsiga ku yeeshay Dimoquraadiyadda iyo Dowlad wanaaga.
Nidaamkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay siyaasadda dalka, wuxuuna mid hooseeya ka dhigay doorkii ay ku lahaayeen dhallinyarada, haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Hannaankan awood qeybsiga ayaa ah mid awood gaar ah siineysa beelaha qaarkood, waana arrin waxyeeleyn karta in la helo Soomaali Siman oo quluubtoodu isku xalan tahay.
Aqoonyahanada daraasadan sameeyey ayaa ku taliyey, in dalka laga gudbiyo marxaladan 4.5, taas oo ah mid qiimo tireysa hannaanka dowladnimada dalkeenna.