La dagaallanka xanuunnada qofka aadmiga asiiba, ayaa la tacaalidiisa loo maraa siyaabo kala duwan, sida daweyn, ka hortag, talaal iyo iwm, iyadoo qof walba lagu dabiibo dawo u dhiganta heerka cudurka ama jeermiska haleelay, balse Soomaaliya waxaa ka socota sheeko taasi ka duwan.
Arrinta taas ka baddelan ayaa ah in gudaha dalka lagu iibiyo dawooyin dhacay sanado ka hor, kuwaas oo bukaanka u horseeda xaalad caafimaad darro oo hor leh, taas oo xitaa soo de-dejisa in qofkii daawada soo doontay uu u geeriyoodo dhib ay u keentay dawadaasi.
Dawooyinkan dhacay ayaa waxaa dalka keena ganacsato 30-kii sano ee ugu danbeysay ka macaashayey waayaha adag ee ay shacabku wajahayaan, waana kuwa badankooda heerkoodu dhaqaalaha yahay dabaqada sare.
Goobaha Farma-shiyayaasha oo aad u badan, ayaa sidoo kale qeyb ka ah faafinta dawooyinkan dhacay, waxana si joogta ah ay uga iibiyaan dadka dawooyinka usoo raadsada.
Khatar badan ayaa ku gadaaman dawooyinka dhacay, waxana jirta in ganacsatada dalka keenta ay ka soo dhoofsadaan dalal ku yaala qaarada Afrika iyo Asia, siiba wadamada, Masar, Hindiya, Malysia, Sacuudiga, iyo Shiinaha.
Dowladdihii dalka soo maray, ayaanan diyaarin xeer rasmi ah oo joojiya dawooyinka dhacay isla markaana koontaroola kuwa dalka la soo galinayo, iyagoo keliya eegta canshuurta kooban ee uu qofka soo dagsanayo bixiyo.
Gudaha Soomaaliya, Dhowr jeer ayey dhacday in meel fagaaro ah lagu gubo dawooyin dhacay oo dadka rayidka laga iibinayey, waxaase jirin cid arrintaasi xabsi u mudatay.
Dawooyinka dhacay ama duqoobay ee yaala gudaha dalka ama lagu tuuro jidadka, ayey sidoo kale bahda caafimaadku sheegayaan in la dhaxlo, caafimaad darro dhanka bey’ada ah, maadaama ay yihiin haraa waxyeelo badan leh.
Si kastaba, shacabka ayaa ah kuwa dhibaatada ugu badan ka qaada dawooyinkan dhacay, waxaana arrinta la yaabka leh ay tahay in muuqaal ahaan ragga dalka keena dawooyinkaas ay yihiin kuwa diini ka muuqata, iyadoo ay xusid mudan tahay in bahda caafimaadka ay ka gaabiyeen ka hadalka dawooyinkan dhacay.