Waxaa si aad ah looga deyrinayaa xaalada dadkii ka barakacay Magaalada Laascaanood, kuwaas oo gaaray degaanka kalabeydh ee gobolka Sool.
Dadkan ayaa la sheegayaa in aysan heysan waxyaabihii aas aasiga u ahaa nolosha aadanaha sida cunnada raashinka, caafimaadka iyo waxbarashada.
Sida la soo werinayo, heerkooda nololeed oo aad u hooseeya aya soo de dejin kara in ay halkaasi ka dhashaan xanuuno kala duwan,
Dadkan ayaanan weli helin gargaar rasmi ah oo xaaladooda looga jawaabayo, tan iyo markii billawgii bishii February ay ka barakaceen guryahooda
Dagaalka Laascaanood ayaa ilaa iyo maanta socda, iyadoo shalay milatariga Somaliland uu madaafiic ku gaaracay magalada Laascaanood, taas oo bur bur u geysatay dhismayaal fara badan.