Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay xubno Al Shabaab, u qaabilsanaa ururinta lacagtay ay ugu magac dareen Zakawaatka.
Intii uu howlgalka socday, waxaa geeriyooday madaxii Zakawaatka Al Shabaab, Mahad Cagaduud oo Al Shabaab u qaabilsanaa ururinta Zakawaatka deggaanada Cali Afrax, Bud-bud, Towfiiq iyo degaanka Ceel Reydab oo 15km dhanka waqooyi kaga beegan Galcad.
Ninkan oo gacanta lagu dhigag ayaa isku dayey inuu baxsado, waxaana sida ciidamadu sheegeen istaagat wadnaha, kadib orad 3km ah oo uu ku baxsanayey.
Ciidamada Dowladda ayaa wada howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, oo qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro argagixisada.