Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dekadda Muqdisho ku qabatay konteenarkii labaad ee Shabaab uga soo degay dekada Muqdisho.
Konteenarka Labaad ayaa waxaa ku jiray agab kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah waxyaabaha ay Al Shabaab ku dhibaateeyaan Shacabka.
Waxaa sidoo kale Garoonka Muqdisho lagu qabtay agabka loo isticmaalo qaraxyada, oo garoonka uga soo degay argagixisada, waxaana arrintaasi fududeynteeda qeyb ka ahaa ganacsato, kuwaaso oo lagu raad joogo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howl gallada ay ka wadaan Garoonka iyo Dekadda Muqdisho, oo ah meelo ay si joogta ah uga soo degaan agabka ay Al Shabaab ku dhibaateyso shacabka.
Howl gallada Dowladda Soomaaliya, ayaa fashil xooggan ku noqonaya Al Shabaab, oo 15-kii sano ee ugu danbeysay dhibaato culus ku hayey ummada Soomaaliyeed.