Dhallinayarada Soomaaliyeed oo sanadihii ugu danbeeyey la daala dhacayey shaqo la’aan, ayaa geesta kale dayacay fursado dalka ka jira oo u noqon kara shaqo abuur.
Sida aqoonyahanada qaar aaminsan yihiin Soomaaliya ayaa leh kheyraad kala duwan, kuwaas oo aysan jirin cid ka faa’iideysata, waxaana ugu horreeya tacabka beeraha.
Tacabka beeraha iyo ka ganacsiga khudaarta, ayey ku yar yihiin dhallinyarada, waana kuwo aanan ku baraarugsaneyn ahmiyada ay leedahay arrintaasi.
Aqoonyahanada ayaa ku dhiira galinaya dhallinyarada in ay arrintaasi ku baraarugaan, taas oo wax weyn ka baddeli karta daruufaha adag ee ay waqtigan ku sugan yihiin.
Dhallinyarada wax baratay ayaa ka carara barashada kuliyadaha beeraha iyo xoolaha, oo kaalin weyn ugu jira kheyraadka dalka, waana sababta kordhineysa shaqo la’aanta.
Si kastaba Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu qorsheyneyso in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaana shaqo abuurkasi xoogga lagu saari doonaa, in la helo dhallinyaro kaalin ka geysata ka faa’iideysa tacabka beeraha iyo xoolaha, oo ah arrimo muhiimad u leh Soomaaliya.