Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisada ka taagan maamulka Puntland ee ka dhalatay doorashada qof iyo codka ah ee uu hoggaanka maamulku ka dhawaajiyey in ay billaabeyneyso 25-ka bishan May
Doorashadan ayaa abuurtay kala aragti duwanaansho, wuxuuna Saciid Deni diidmo kala kulmay, siyaasiyiinta u hanqal taagaya in ay kursiga kula loolamaan, iyo kuwa uu kala dhaxeeyo khilaafka siyaasadeed.
Xeer ilaaliyaha Guud Ee Puntland Ayaa maanta Amar Ku Bixiyey in La Soo qabto Ergayga Gaarka Ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qabilsan arimaha Baayac Mushtarka Iyo Maal Gashiga Khadar Abdiraxmaan Faroole iyo Wasiirkii Hore ee Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal.
Raga waaranka soo qabshada loo jarey Waxaa ka mid ah Maxamuud shido oo Madaxweyne Saciid Dani u qabilsanaa olalihii doorashadii Madaxweynaha ee dhacday 15-kii May ee sanadkii hore.
Xubnahan ayaa lagu eedeeyey falal amni darro iyo in ay masuul ka ahaayeen dagaalkii garoowe ka dhacay habeenimadii ay salaasada soo galeysay, kaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkaasi oo xiisada dab ku sii shiday, ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka amar qaata Khadar Abdiraxmaan Faroole ay weerareen ciidamada maamulka Puntland oo waday sanaadiiqda doorashada.
Dagaalkaas oo ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa keenay in maalintii shalay uu hakad ku yimaado howlihii shaqo ee garoonkaasi, sababo la xiriira saameynta uu dagaalka ku yeeshay.
Maamulka oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa eedda dusha uga tuuray dowlada Soomaaliya, oo ay sheegeen in ay gadaal ka riixeyso xiisada ka aloosan degaanada Puntland,
Eeda ay Puntland u jeedineyso Dowladda Fedraalka ayaa isi soo tareyso, xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaanka maamulka uga digay qabashada doorasho aan la isku raacsaneyn.
Hadalka maanta ka soo yeeray Xeer ilaaliyaha Guud Ee Puntland ee ku aaddan soo qabashada xubnahan lagu eedeeyey amni darrada ayaa abuuri kara qal qal kale oo siyaasadeed, maaddaama ay heystaan ciidamo aad u xooggan.
Sida wararku sheegayaan Siyaasiinta Mucaaridka, ee maamulkaasi, oo ay ugu tun weyn yihiin Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Diyaano, ayaa wada is xulufeysi, iyo urursi ciidan, oo dhaq dhaqaaqeeda laga dareemayo degaanada Puntland.
Waxaa saacadihii ugu danbeeyey Garoowe ka socday waan waan la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, walow lagu guul dareystay, sababo la xiriira Madaxweyne Saciid Deni oo aanan ku qanacsaneyn inuu la fariisto ragga ay is hayaan.
Xaalka ayaa u muuqda mid Puntland ku hoggaaminaya marin halis ah, waxaana saacad walba macquul ah inuu dagaal dhex maro dhinacyada is haya.