Waxaa xooggeystay xiisada ka taagan degaanada Maamulka Puntland, taas oo ka dhalatay doorashada gollaha degaanka ee qof iyo codka ah, oo sida uu ka dhawaajiyey Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Deni, billaabaneysa 25-ka bishan May
Doorashadan ayaa abuurtay kala aragti duwanaansho, wuxuuna Saciid Deni diidmo kala kulmay, siyaasiyiinta u hanqal taagaya in ay kursiga kula loolamaan.
Xiisada ayaa ka sii dartay, kadib markii habeen hore, la weeraray Ciidamada Maamulka, oo waday sanadiiqda ay dadku codkooda ku shubayaan, waxaana dagaalkaasi uu dhaliyey khasaare kala duwan.
Dagaalkaasi ayaa sababay in guud ahaanba ay hakad galaan howlihii ka socday Garoonka diyaaradaha Garoowe, oo ay ilinkiisa isku hor fadhiyaan, Ciidamada Maamulka iyo kuwa ka amar qaatay Siyaasiyiinta mucaaridka.
Siyaasiinta Mucaaridka, ee maamulkaasi, oo ay ugu tun weyn yihiin Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Diyaano, ayaa wada is xulufeysi, iyo urursi ciidan, oo dhaq dhaqaaqeeda laga dareemayo degaanada Puntland.
Waxaa saacadihii ugu danbeeyey socday waan waan la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, walow lagu guul dareystay, sababo la xiriira Madaxweyne Saciid Deni oo aanan ku qanacsaneyn inuu la fariisto ragga ay is hayaan.
Xaalka ayaa u muuqda mid Puntland ku hoggaaminaya marin halis ah, waxaana saacad walba macquul ah inuu dagaal dhex maro dhinacyada, maaddaama ay weli is hor fadhiyaan.
Maamulka Puntland ayaa xiisada ka ooggan degaanada uu gacanta ku hayo, ku eedeeyey in ay ka danbeyso Dowladda Soomaaliya, oo sida ay hadalka u dhigeen gadaal ka riixeysa siyaasiyiinta mucaaridka.
Si Kastaba, waxaa walaac ballaaran laga muujinayaa in xaaladda taagan, ay soo geba gabeyso, wax ka badan 20 sano oo ay Puntland ku naalooneysay nabad iyo nidaam u eg mid Dowladnimo.