Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15-ka bisha May.
Khudbada Madaxweynaha oo arrimo kala duwan taabaneysay, ayaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Amniga, Dagaalka Al Shabaab, Doorka Dhallinyarada ee Siyaasada iyo Shaqo la’aanta heysa dhallinyarada.
Amniga.
Xaqiijinta amniga dalka ayuu Madaxweynuhu sheegay in go’do dhallinyarada, oo ah dadka ugu badan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna tibaaxay in laga doonayo in ay arrintaasi masuuliyad iska saaraan.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay jiraan dhallinyaro badan, oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga dalka, taas oo uu ku macneeyey mid libin u ah dhallinta Soomaaliyeed
Dagaalka Al Shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalka Al Shabaab lagula jiro soo hadal qaaday, ayaa hoosta ka xariiqay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay muujiyeen geesinimo ballaaran, oo ay dalka uga xoreynayaan Al Shabaab.
Madaxweynaha dalka, ayaa tilmaamay in saakay ay Muqdisho ka baxeen, dhallinyaro ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro argagixisada.
Siyaasadda.
Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha siyaasada iyo doorka ay ku leeyihiin dhalinyarada oo kooban, ayaa sheegay in siyaasada ay tahay mid la raadsado, aan iyada ku soo doonaneynin.
Wuxuu dhallinta ku dhiira galiyey in ay sameystaan hoggaamiyayaal, iyagoo isku biirinaya aragtidooda, si ay u noqoto mid wax tar leh oo dalka siyaasadiisa wax badan ka baddeli karta.
Shaqo abuur.
Madaxweynaha oo ka hadlay daruufaha shaqo la’aanta ee heysa dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa si cad u sheegay in dowladdiisu ay qorsheyneyso in billawdo mashruuc shaqo abuur ah, kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan dhallinyaro fara badan.
Xasan Sheekh wuxuu carabka ku dhuftay in la guda galay furida macaahid dhallinyarada lagu tababaro, isagoo dhallinyarada ku dhiira galiyey in bartaan culuunta beeraha, badda iyo xoolaha, oo ay dowladdu shaqo abuurkeeda diirada ku saari doonto.

