Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada 15-ka May oo ku asteysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.
Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada usoo jeediyey in ay kaalin weyn ka qaataan dib u xoreynta dalka, isla markaana ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro Al Shabaab.
RW ayaa bogaadiyey kaalinta fir fircoon ee ay iminka dhallinyaradu ku leeyihiin dowlad dhiska Soomaaliya, taas oo ku tilmaamay arrin hididiilo muujinyesa.
Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in dhallinyarada laga rabo in ay sidoo kale qeyb ka noqdaan, mushruuca cusub ee lagula dagaallamayo masuq maasuqa, kaas oo ay dhawaan dowladda Soomaaliya billawday.
Dhallinyarada oo bulshada Soomaalida ka ah 70% ayaa sanadihii ugu danbeeyey la kulmayey caqabado kala duwan, kuwaas oo horseeday in ay u bareeraan khataro kala duwan.