Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar gaadmo ahaa oo Kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay in ay yihiin Al Shabaab ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidan ka tirsan kuwa Booliska Dalka Kenya.
Weerarkan oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Isaqora oo qiyaas ahaan 10km u jirta Degmada Rhamu, ayaa lagu beegsaday kolonyo ay wateen Ciiidanka Booliska kuwaasi oo ka yimid Magaalada Nairobi, islamarkaana ku sii jeeday Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Ugu yaraan labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray weerarkan kadib markii kolonyo ay la soceen 15 askari mar qura lagu huwiyay tacshiirad, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Taliska Booliska Degmada Rhamu.
Askarta uu weerarkan waxyeellada ka soo gaaray ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Degmada Rhamu, si loola tacaalo xaaladdooda caafimaad.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Kooxdii weeerarka fulisay ay u suuro-gashay in ay baxsadaan, isagoona xusay in ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo.
Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa baaritaan ku billaabay Agaasinka Dambi Baarista ee Magaalada Mandheera, si loo oggaada halka ay yimaadeen Kooxdii weerarka soo qaaday.
Magaalooyinka Mandheera, Gaarisa, Wajeer iyo Laamu oo dhammaantooda ka tirsan Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya waxaa inta badan ka dhaca weeraro u badan qaraxyo kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay sheegtaan Ururka Al Shabaab.