Walaac xooggan ayey muujinayaan barakacayaasha ku sugan duleedka Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayo biyo la’aan xooggan oo la soo gudboonaatay.
Dadka oo xilliyo kala duwan yimid duleedka Muqdisho, ayaa ka soo barakacay qaar ka tirsan Gobollada dalka, sababo la xiriira abaaro, colaado iyo fatahaad.
Barakacayaashan waxey sheegeen in ay dhibaato culus ka maraan helida biyaha, waxaana jirgaanka 20-qaadka ah la iibiyaa labo kun oo shilinka Soomaaliga ah, taas oo aysan iyagu awoodin.
Qoysaska barakacayaasha ah ayaa dalbanaya in dowladda iyo hay’adaha gargaarka ay ka caawiyaan sidii ceelal loogu qodi lahaa, waana arrinta keliyah oo ay uga bixi karaan dhibaatada heysata, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Duleedka Muqdisho waxaa tuban, barakacayaal fara badan, oo aan awoodin nolosha maalinlaha ah, waana kuwo ku hoyda aqalo cooshado ka sameysan, oo aan ka difaaci karin qabowga habeenkii iyo cad-ceeda jirta maalintii.