Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa sara u kac dhanka qiimaha agabyada kala duwan ee ka soo dega dekadda weyn ee Caasimadda.
Waxaa sare u kacay agab walba oo lagu iibiyo magaalada, sababo la xiriira canshuur kordhintii ay dhawaan sameysay dowladda Soomaaliya.
Sicir bararkan ayaa caqabad ku noqday, dadka shacabka ah, kuwaas oo ay waqtigan ku adkaatay in ay suuqyada ka soo wada iibsadaan waxyaabaha ay daneynayaan.
Ganacsatada ayaa sheegaya in dowladdu ay canshuur laba jibaara saartay, dhamaan agabyada dalka soo gala, marka laga reebo raashinka quutul daruuriga ah, taas oo wal wal ku abuurtay bulshada.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sameysay canshuur kordhin, si kor loogu qaado dakhliga dalka usoo xarooda, oo sida la sheegay iminka aad u kooban, waana tallaabo ka careysiisay shacabka iyo ganacsatada