Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayaa kulan la qaatay, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, waxaana kulankaasi diirada lagu saaray saameynta uu Baladweyne ku yeeshay fatahaada uu sameeyey webiga Shabeelle.
Xubnaha uu kulanka la qaatay Madaxweynaha Hirshabelke ayaa ahaa Wakiilada Qaramada Midoobay u qaabilsan hay’adaha, FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM, isagoo ku wargeliyey dhibaatada culus ee ay geysatay fatahaada.
Guudlaawe ayaa xubnahan ka codsaday, in gargaar lala soo gaaro dadka ka barakacay fatahaada, kuwaas oo iminka tuban duleedka bari iyo galbeed ee Baladweyne.
Dadka ka barakacay fatahaada ayaa waqtigan qaabilaya xaalad aad u adag, ilaa iyo iminkana ma helin gurmad la taaban karo.
Baladweyne, ayaa sanad walba dhibaato culus kala kulanta fatahaada uu sameeyo webiga Shabeelle, oo dhowr jeer oo hore lagu hungoobay in xal loo helo.