Heer gaba gabo ah ayuu marayaa ollolaha doorashada dalka Turkiga, waxaana la go’aamiyey in ay doorashadu qabsoonto 14 bishan aynu ku jirno.
Madaxweynaha talada haya Erdogan, ayaa wajahaya loolan adag, oo kaga imanaya xisbiga mucaaridka jamhuuriga ee dalkaasi, waana caddaadiskii ugu cuslaa ee ui wajaho, intii uu siyaasadda dalkaasi ku jiray.
Xisbiga uu ka tirsan yahay Madaxweynaha ayaa ololahooda doorashada ku soo bandhigaya waxyaabihii ay soo kordhiyeen muddada ay talada dalkaasi hayaan oo ah 20 sano.
Xisbiga Madaxweynaha, ayaa soo bandhigaya howlihii ay qabteen, muddada ay xafiiska joogeen, waxaana arrimaha ay ka miro dhaliyeen ka mid ah soo saarida agab uu ku howlgalo milatariga dalkaasi sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Xibiga uu Erdogan ka tirsan yahay, ayaa sidoo kale guullo ka sheeganaya, tayeynta cududa milatariga dalkaasi, oo waqtigan aan loo babac dhigi karin.
Xisbiga Mucaaridka Jamhuuriga, ayuu iyaguna olalahoodu yahay, xakameynta qaxootiga, iyagoo sidoo kalana dowladda ku duraya sicir bararka dhanka quutul daruuriga ee mudooyinkii ugu danbeeyey ka jiray Turkiga.
Si kastaba Axada ina soo aaddan ayey si rasmi ah u billaabaneysaa doorashada dalkaasi, lagamana hor dhici karo, xisbiga ay guushu raaci doonto.