Waxaa Muddo 10 sano ah kaddib, dib u soo noqonaya xiriirkii ay lahaayeen dowladdaha carbeed ee Sacuudiga iyo Siiriya.
Soo noqoshada xiriirka Diblomasiyadeed ayaa yimid, kadib markii Saddex toddobaad ka hor uu Madaxweyne Bishaar Al Asadd, Dimishiq kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan.
Booqoshada Faisal bin Farhan ee Dimishiq ayaa noqotay tii ugu horeysay ee dhacda tan iyo sanadkii 2011, markaas oo ugu danbeysay in sarkaal sacuudi ah uu booqasho u tago Syria.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri” Boqortooyada “waxay go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Syria.
Dowladda Sacuudiga ayaa Syria xiriirka u jartay sanadkii 2012, waxeyna la safteen mucaaridka dalkaasi, iyagoo taageero badan ku bixiyey sidii xilka looga ridi lahaa Madaxweyne Bashar al-Assad
Soo laabashada xiriirkan labada dowladood ee khaliijka ayaa keeni kara, in Syria ay hesho Kaalmo dhaqaale iyo mid maaliyeed, taas oo wax looga qabanayo dib u dhiska dalkaasi.