Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso 137 qof, oo ka soo qaxay dagaallada ka qarxay dalka Sudan.
Muwaadiniintan ayaa 73 ka mid ah waxa lagu soo dhaweeyey garoonka Muqdisho, halka 64-kale ay diyaarad siday ka degtay Garoowe.
Qorshaha Muwaadiniintan lagu soo celiyey ayaa waxaa iska kaashaday, Safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan, Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan soo galootiga.
Dowladda ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey dadaal ku bixineysay sidii dalka loogu soo celin lahaa Soomaalida ku xaniban dalka Sudan, waxana qorshahan uu noqonayaa mid mudan bogaadin.
Dowladda ayaa hore dalka ugu soo celisay Muwaadiniin gaaraya 1,198, waxaana marka lagu daro tirada maanta la soo celiyey ay wadartu noqoneysaa 1,335 ah Muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo la soo samata bixiyey.
Dadkan laga soo celiyey Sudan ayaa isugu jira arday Soomaaliyeed oo Jaamacadaha dalkaasi wax ka baraneysay iyo qoysas Soomaali ah oo muddo badan dalka Sudan ku noolaa.