Sabti 22/10/2022 Ciidamada booliiska qeybahooda kala duwan ayaa howlgalo gaar oo lagu xaqiijinayo amniga iyo nabadda ah ka sameeyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa guri guri u baarayay xaafadaha degmooyinka Waabari, Hodan iyo Xamar Jajab iyadoo sidoo kalana la baarayay gaadiidka mara wadooyinka degmooyinkan.
Guddoomiyaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir Sugaal Cali Ayaanle oo ka hadlay howlgallada ka socda degmadaasi ayaa “waxaan la kulanay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada waxayna noo sheegeyn inay aad ugu faraxsan yihiin howlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo nabada”
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in uu jiro qarax miino oo wadada lagu aasay islamarkaana dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay.
Omar Abdirashid