Muqdisho (HM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Vienna ee dalka Austria maanta kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Wolfgang Sobotka.
Kulanka ayay labada dhinac kaga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya iyo sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi la xiriira hanaanka sharci dejinta iyo maamulka.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale dhigiisa uga wa bixiyay xaaladda abaaraha ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka ah.
Maxamed Xuseen