Maanta oo ay ku beegan tahay 1-da May, dunida oo dhan waxaa laga xusaa Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waana maalin loo asteeyay in lagu maamuuso kaalinta muhiimka ah ee shaqaalaha ku leeyihiin horumarka bulshooyinka iyo dhaqaalaha caalamka.
Qaramada Midoobay iyo ururrada shaqaalaha ayaa sannad kasta u adeegsada maalintan in lagu xasuusto guulihii la gaaray, isla markaana lagu muujiyo caqabadaha weli hortaagan shaqaalaha.
Asalka iyo Taariikhda Maalintani waxay dib ugu laabanaysaa dhammaadkii qarnigii 19-aad, xilligaas oo dalka Mareykanka ay dhaqdhaqaaqyo xooggan ka billaabeen shaqaaluhu, ayagoo dalbanayay in saacadaha shaqada lagu koobo ugu badnaan siddeed saacadood maalintii.
1-dii May 1886, shaqo joojin ballaaran ayaa ka dhacday guud ahaan Mareykanka, taas oo ugu dambeyn ku dhammaatay dhacdadii caanka ahayd ee Haymarket ee Chicago, halkaas oo mudaharaadyadu isu beddeleen rabshado, kadib markii bam qarxay, khasaare naf iyo maalba lehna uu geystay.
Dhacdadan ayaa noqotay astaan taariikheed oo dhiirrigelisay halganka xuquuqda shaqaalaha, waxaana 1889-kii si rasmi ah loogu aqoonsaday 1-da May inay noqoto maalin caalami ah oo shaqaalaha loo dabaaldego.
Inkasta oo dalal sida Mareykanka, Canada, Japan iyo Australia ay maalintooda shaqaalaha u dabaaldega Sebtembar, haddana inta badan dunida waxay ku mideysan tahay 1-da May.
Dalalka Afrika badankood waxay si weyn u xusaan maalintan, iyagoo qabta munaasabado lagu muujinayo qiimaha shaqaalaha, waxaana dalalkaas ka mid ah Koonfur Afrika, Kenya, Uganda iyo Soomaaliya, ayadoo si gaar ah loo xuso dadaalka shaqaalaha iyo kaalinta ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Xaaladda Shaqaalaha Soomaaliyeed Marka laga hadlayo Soomaaliya, waxay wajahayaan duruufo adag oo ka duwan kuwa dalalka horumaray, kuwaas oo ay kamid yihiin:
Shaqo la’aan iyo Suuq aan nidaamsanayn. Boqolkiiba in badan oo ka mid ah shaqaalaha Soomaaliyeed waxay u shaqeeyaan waaxo aan rasmiga ahayn (informal sector) sida ganacsiyada yar-yar, kuwaas oo aan lahayn ilaalin sharci iyo xuquuq shaqaale oo sugan.
Mushahar hoose iyo xaq la’aan: Shaqaale badan waxay la kulmaan mushahar aan joogto ahayn ama aan ku filnayn nolosha, iyadoo mararka qaar aan la siin caymis, fasaxyo, ama xuquuqo kale oo shaqo.
Amni darro iyo xaalado shaqo oo adag Qaar ka mid ah shaqaalaha, gaar ahaan kuwa dhismaha, gaadiidka, iyo warshadaha yaryar waxay ku shaqeeyaan xaalado halis leh, iyadoo aysan haysan qalab badbaado ama daryeel caafimaad oo ku filan.
Xuquuqda shaqaalaha oo xaddidan: Ururrada shaqaalaha iyo nidaamyada difaaca xuquuqda shaqaalaha weli waa kuwo daciif ah, taas oo keenta in shaqaaluhu aysan si buuxda u heli karin difaac sharci.
Duruufaha dhaqaale iyo amni Colaadaha, abaaraha iyo dhaqaale xumada dalka ayaa si toos ah u saameeya shaqaalaha, gaar ahaan kuwa ku tiirsan shaqooyinka maalinlaha ah.
Si kastaba ha ahaatee maalinta Shaqaalaha Adduunku waa fursad lagu xuso halgankii iyo guulihii shaqaalaha caalamka,sidoo kalena waa xasuusin ku saabsan baahida loo qabo in la horumariyo xaaladaha shaqaalaha.
Haddaba iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib-u-dhis iyo horumar, waxaa muhiim ah in la xoojiyo sharciyada shaqada, la abuuro fursado shaqo, lana hubiyo in shaqaalaha ay helaan xuquuqo iyo nolol sharaf leh,taas oo saldhig u noqon karta horumar waara oo dalku gaaro.

