Friday, May 1

Hawada Tehran waxaa saacadihii ugu danbeeyey dul-heehaabayey diyaarado, taas oo dhalisay in Iiraan ay muujiso feejignaan dheeri ah, sida ay xoguhu sheegayaan.

Wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim News Agency, ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka ee Iran ay ka hawlgaleen si ay u qabtaan diyaarado yaryar iyo diyaarado sahamin ah oo dulmarayay qaybo ka mid ah caasimadda Tehran.

Sida warbixintu sheegtay, difaaca cirka ayaa la furay kadib markii la arkay drones yaryar oo ku wareegayay hawada Tehran, gaar ahaan aagagga qaar ee magaalada.

Waxa kale oo la sheegay in rasaasta difaaca cirka laga maqlayay qaybo kala duwan oo magaalada ka mid ah, sida galbeedka, bartamaha iyo koonfur-bari Tehran.

Exit mobile version