Thursday, September 11

Is-barbardhiga awooda Milatari ee Iran iyo Israa’iil ayaa saacadihii ugu danbeysay si aad ah loo hadal hayey,maddaama xili walba ay macquul tahay in dagaalku uu dib u qarxo sababo la xiriira shakiga laga muujinayo dhaqan galka xabad joojinta .

Xilligan Tirada rasmiga ee militariga Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 523,000, halka Israa’iil ay heysato 170,000, taas oo lix jeer ka badan ciidanka Israa’iil.

sidoo klae bedka dhulka Iiraan ayaa aad uga weyn Israa’iil, waxana bulshada iran ay yihin (ku dhowaad 90m) taas oo toban jeer ka badan dadka Israa’iil oo ah (ku dhowaad 10m).

Ciidamada badda ee Iran ayaa heysta ilaa 220 markab, halka Israa’iil ay leedahay 60 qura, sida daraasadaha sheegayaan, waana arrin bidhaamineysa in Iran ay dhanka badda uga quwad roontahaay Israa’iil.

523,000 ciidan ee iran waa kuwo leh cutubyo kala duwan oo ciidammado ah , Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC).

Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda isla markaana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan.

Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro doomaha ilaalada xeebaha ah iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey ay uga dhaceen dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib sanadii 2019-kii

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran.

Ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran.

Cutubka lagu magacaabo Xoogagga Qudus, ee uu hoggaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobo ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgallo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei.

Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000, Cutubkan ayaa waxaa loo daadgureeyay xilliya kala duwan Suuriya waxaana qeyb ka ahaa la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaadhan ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe, Waxaana ururadaasi ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad, iyo sidoo kale xuutiyiinta yamen

sida la ogyahay Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, waxana caqabadaas cuno-qabteyn oo jirtay ay Iran haddana sameysatay awood dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,, kuwaas oo tijaabooyin kala duwan maray

Tusaalle ahaan, Dalka Ciraaq, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran ayaa 2016 waxaa loo isticmaalay dagaalkii ka dhanka ahaa ISIS.

Iran waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha wadin sidoo kale mar galeen hawada Israa’iil iyaga oo ka soo kicitimay saldhig Suuriya ku yaalla, Bishii June 2019, Iiran ayaa soo ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyihiin, waxayna Iran ku andacootay in ay diyaaradaasi soo gashay hawada Iran, taas oo noqotay mid walaaca ku kordhisay Mareykanka

Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm.

Iran ayaa Inta badan qalabka gaashaandhiga ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha, kuwaas oo ay xiriir wanaagsan la leedahay.

Dhanka awoodaha gantaalada

Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, waxaana Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ay ku tilmaamtay in awoodda Gantaallada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaadhan bariga dhexe, taas oo la micno ah in Barnaamijka gantaalaha Iran loo arko kan ugu weyn uguna horumarsan Bariga Dhexe.

Gantaallada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara.

Sanadkii 2022, Jeneraal Kenneth makansiya,,, oo ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Iiraan ay leedahay in ka badan 3,000 oo gantaallada baliistigga ah.

Iiraan ayaa aad uga shaqeyneysay hannaankeeda gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn tan iyo dagaalkii ay la gashay dalka deriska la ah ee Ciraaq, laga soo bilaabo 1980 ilaa 1988.

Falanqeeyeyaasha baarayay gantaalaha lala beegsaday Sacuudiga ee ay Xuutiyiintu kal hore soo tuureen waxa ay sheegeen in gantaladaasi lagu lagu sameeyo Iiraan.

Sida daraasadaha sheegayaa Israa’iil ayaa in ka badan Iiraan bajadkeeda difaaca ku bixisa dhaqaalle badan waxaana bajadka difaaca Iiraan uu ahaa qiyaastii $7.4bn sanadihii 2022 iyo 2023, halka Israa’iil uu ahaa in ka badan kala bar intaas, oo qiyaastii ah $19bn.

Sidoo kale Israa’iil ayaa heysato 340 diyaarado militari halka cuno qabateynta daashatay awged Iran ay heysato ilaa 320 diyaarado dagaal geli kara.

Dhanka Tignoolajiyada

Israa’iil ayaa wax badan ku lumineysa marka Iiraan lala barbardhigo kolka ay timaaddo weerarka dhanka internet-ka.

Hannaanka difaaca Iiraan ayaa teknolojiyad ahaan ka horumarsan kan Israa’iil, taas oo ka dhigan in weerar koronto oo lagu qaado militariga Israa’iil uu saameyn weyn yeelan karo.

Sanadihii aynu ka soo gudubnay waxaa jiray ilaa 3,380 weerar oo dhanka internet-ka ah intii u dhaxeysay 7 October- 2022 ilaa dhammaadkii 2023.

Sida Ururka Difaaca Rayidka, uu xaqiijiyey Iiraan ay fashilisay ku dhowaad 200 weerar dhanka internet-ka ah intii lagu guda jiray 2022-kii, taas oo ku bidhaamineysa awooda Iran ay ku xakameyn karto weerarada internetka ee Israa’iillka, halka israa’iil aysan xirfad ceynkaasi ah adeegsan karin, sida ay qubaradu sheegayaan.

Si kastaba in muddo ah ayey soo jirtay xurgufta iyo khilaafaadka ka dhaxeeya Iran iyo Israa’iil taas oo iminka gaartay weerarada dhanka cirka ah,, waxaana 12 cisho ee ay duqeyntoodu socotay, ay Israa’iil u baqday jiritaankeeda,, maaddaama la cuuryaamiyey hannaankeeda difaaca, taas oo soo de dejiyey in ay u qeylo dhaamiyaan Mareykanka, waxaana xitaa iyadoo Mareykanka taageero ka heleysa uu Israa”iil dagaalkan tusay in waqtigan aysan u babac dhigi karin Iran. taas oo libin ballaaran u ah Xukuumadda Tehran.

Exit mobile version