Wednesday, April 29

Mali waxay u muuqataa inay galayso marxalad aad u xasaasi ah oo laga yaabo inay noqoto mid go’aamisa mustaqbalka dalkaas iyo guud ahaan gobolka Saaxil.

Xasaradaha isa soo taraya ee ka taagan Bamako iyo waqooyiga dalka ayaa abuuray dareen muujinaya in maamulka milatariga ee hadda jira uu wajahayo culays siyaasadeed iyo mid amni oo sii xoogeysanaya, xilli ay isa soo tarayaan su’aalaha la xiriira in Mali ku socoto burbur hor leh.

Dilka Wasiirka Gaashaandhigga Mali, Sadio Camara, ayaa noqday dhacdo gilgishay saldhigii awoodda milatariga. Camara ma ahayn oo kaliya sarkaal sare, balse wuxuu ahaa shakhsigii laf-dhabarta u ahaa xiriirka Mali iyo Ruushka, gaar ahaan doorka ciidamada Wagner ama Africa Corps ee gudaha dalka.

Weerarka lagu beegsaday, oo lagu tilmaamay mid si weyn u muujinaya awoodda sii kordheysa ee JNIM, wuxuu calaamad u yahay in kooxaha hubeysan ay gaareen heer ay ku hanan karaan xitaa meelihii loo arkayay kuwa ugu amniga adag.

Dhanka kale, waqooyiga Mali waxaa ka muuqda dib-u-gurasho siyaasadeed iyo mid ciidan.

Gobolka Kidal, oo muddo dheer ahaa xudunta loollanka waqooyiga, ayaa markale noqday astaan muujinaysa nuglaanta dowladda dhexe. Wararka sheegaya in ciidamada Mali iyo kuwa Ruushku ay si aan rasmi ahayn uga baxeen gobolkaas si loo yareeyo khasaare dheeraad ah, waxay sii xoojinayaan aragtida ah in xaaladdu ka sii darayso halkii la filayay xasillooni.

Burburka heshiiskii Algiers ee 2015 ayaa sidoo kale dib u huriyay colaado hore loo moodayay inay degeen, taasoo Mali ku celisay wareegii dagaalka sokeeye.

Saamaynta ka dhalan karta xaaladdan kuma eka Mali oo keliya. Gobolka Saaxil oo dhan wuxuu wajahayaa hirar amni-darro oo sii baahaya, iyadoo kooxaha xagjirka ah ay ka faa’iideysanayaan firaaqada ka dhalatay dowlad jilicsan iyo iskaashi goboleed oo burburaya.

Fiditaanka weerarrada ka gudbaya Mali kuna fidaya Niger, Burkina Faso iyo xitaa dalalka xeebaha Galbeedka Afrika sida Ghana iyo Benin, wuxuu muujinayay in khatartaasi tahay mid xuduudo dhaaftay.

Isla waqtigaas, kala fogaanshaha sii kordhaya ee u dhexeeya Mali iyo urur-goboleedka ECOWAS, iyo sameysanka isbahaysiga cusub ee AES oo ay ku mideysan yihiin Mali, Niger iyo Burkina Faso, wuxuu beddelayaa qaab-dhismeedkii amniga iyo siyaasadda ee Galbeedka Afrika.

Tani waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga gobolka iyo sida loo wajahayo halis wadajir ah iyadoo dalalkii ugu nuglaa ay ka baxeen hannaanadii wadajirka ahaa.

Arrin kale oo sii murjisay xaaladda Mali waa tartanka quwadaha caalamka. Ka bixitaankii Faransiiska iyo MINUSMA iyo soo dhoweynta Ruushka waxay dalka gelisay jiho cusub, balse natiijadu weli waa mid muran badan leh. Dad badan ayaa qaba in Saaxil uu isu beddelay goob ay quwaduhu ku loolamaan, halka shacabka deegaanka ay bixinayaan qiimaha ugu culus.

Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa laga baran karaa casharro muhiim ah. Khibradda Mali waxay muujinaysaa in amniga gobolka uusan ahayn arrin dal keliya u gaar ah, balse uu yahay silsilad isku xiran. Waxay sidoo kale xasuusinaysaa halista ku jirta ku tiirsanaanta xoogag shisheeye iyo in burburka heshiisyada nabaddu mar walba albaab u furto colaado dib u qarxa.

Mali maanta waxay taagan tahay isgoys taariikhi ah. Haddii maamulka Bamako uu ku guuldareysto inuu xakameeyo khataraha isa soo taraya, saameynta ka dhalata ma noqon doonto mid ku kooban Mali oo keliya, balse waxay gaari kartaa guud ahaan Afrika.

Su’aasha taagan ayaa ah in waxa socda ay yihiin bilowga burbur cusub, mise dib-u-habeyn istaraatiiji ah oo dhalin karta Mali cusub. Jawaabtaas waxaa go’aamin doona maalmaha soo socda.

Exit mobile version