Saraakiisha Jamhuuriyadda Islaamiga ah mar walba waxay ku adkaystaan in Iran ay diyaar u tahay iska-horimaad dheer, fariintan ayaana ay ku doonayaan inay ku muujiyaan sawir muujinaya adkaysi iyo diyaar-garow dagaal muddo dheer socon kara.
Cali Larijaani, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa 2-da Maarso ku dhawaaqay in Iran isu diyaarinayso khilaaf dheer, isagoo yiri: “Iran, si ka duwan Maraykanka, waxay isu diyaarisay dagaal dheer.” Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada wada-xaajood.
Saraakiisha Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay sidoo kale sheegeen in jawaabta Iran ee “gardarrada” aanay ku koobnayn waqti gaar ah, taasoo muujinaysa in iska-horimaadku socon karo bilo ama xitaa ka badan.
“Dhab ahaantii ma raadinayno xabbad-joojin,” ayuu yiri Maxamed Baqer Qaalibaaf, afhayeenka baarlamaanka, 8-da Maarso. “Waa inaan ciqaabnaa gardarrada.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dalka uu ku jiro dagaal jiritaan ah oo ka dhan ah Israa’iil.
Sareeye Guuto Reza Talaeinik, oo ah afhayeenka Wasaaradda Difaaca, ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay sii wadi karto “difaac weerar ah” muddo ka badan inta cadowgu filayo. Wuxuu intaa ku daray in Iran si ula kac ah u kala qaybisay isticmaalka hubkeeda, iyadoo kaydsanaysa qaar ka mid ah awoodaha casriga ah ee heerarka dambe ee dagaalka halkii ay mar qura u adeegsan lahayd dhammaan awooddeeda.
Waa maxay istaraatiijiyadda Iran?
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha waxay sheegaan in habka Iran uu ku salaysan yahay istaraatiijiyad wax naaqusin ah (attrition), halkaas oo ciidamada Iran ay si isdaba-joog ah ugu ridayaan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn bartilmaameedyada Israa’iil iyo danaha militari ee Maraykanka ee gobolka.
Weeraradani waxay leeyihiin dhowr ujeeddo. Marka hore, waxay ku qasbaan nidaamyada difaaca cirka ee Maraykanka iyo Israa’iil inay shaqeeyaan si ay u qabtaan gantaallada soo socda. Nidaamyada sida Patriot iyo THAAD waa kuwo aad u horumarsan farsamo ahaan, laakiin aad bay qaali u yihiin tiradooduna waa xaddidan tahay, marar badanna kharashka hal qabasho ayaa ka badan qiimaha gantaalka ama drone-ka la burburiyay.
Marka labaad, weerarrada joogtada ahi waxay culays saari karaan kaydka gantaallada difaaca, shabakadaha sahayda, iyo diyaar-garowga militari ee waddanka. Sida ay sheegtay Washington Post, ciidamada Maraykanka ee ku lug lahaa dagaalka waxay si degdeg ah u isticmaaleen hub sax ah iyo gantaallo difaac cirka ah toddobaadkii ugu horreeyay ee hawlgallada oo keliya. Falanqeeyayaal kale waxay yiraahdeen isticmaalka hubka ee tirada badan wuxuu muujinayaa “daciifnimooyin muhiim ah oo ku jira silsiladda ah sahayda.”
Saraakiisha Iran waxay sheegeen in sahayda hubkoodu ay ka xasilloon tahay, ciidamada qalabka sida na ay “sii wadi karaan dagaal adag ugu yaraan lix bilood xawaaraha hadda jira.”
Taliyayaal dhowr ah ayaa sidoo kale sheegay in soo-saarka gantaallada lagu sameeyo gudaha dalka oo dhan, isla markaana ay jiraan meelo badan oo wax-soo-saar iyo kayd aad u waaweyn, taasoo u oggolaanaysa Iran inay weerarrada sii waddo muddo dheer.
Waxa kale oo u muuqata in Iran ay weerarrada u kala fidinayso wakhti dheer si dhinaca kale loogu qasbo difaac joogto ah, halkii ay la kulmi lahaayeen mowjad hal mar ah oo go’aan ka gaarta dagaalka. Istaraatiijiyaddani waxay ka tarjumaysaa aragti ballaaran oo Iran ay horumarisay tobannaan sano si ay uga hortagto awoodda militari ee ka sarreysa ee quwadaha waaweyn.
Cawaaqibka dhaqaalle ee ka dhalan kara
Dagaal dheer wuxuu keeni karaa saameyn dhaqaale oo weyn, gudaha Iran iyo guud ahaan dunidaba, Carqaladaynta ballaadhan ee sahayda tamarta ee gobolka waxay halis u tahay in qiimaha caalamiga ahi kor u kaco macaamiisha iyo ganacsiyada. Qiyaastii shan meelood meel shidaalka dunida ayaa caadi ahaan mara marin-biyoodka Hormuz, laakiin socodka maraakiibta ee marinkan cidhiidhiga ah ayaa ku dhowaad istaagay in ka badan toddobaad kadib markii dagaalku billowday.
Tan iyo bilowga khilaafka, welwelka amniga iyo xiritaanka hawada ayaa sidoo kale saameeyay waddooyinka ganacsiga ee gobolka, Gudaha Iran, dhaqaaluhuna sidoo kale wuxuu wajahayaa cadaadis. Dhaqaalaha oo horeba u daciifay sannado cunaqabatayn caalami ah awgeed ayaa hadda wajahaya cadaadis dheeraad ah oo ka imanaya kharashaadka militariga oo kordhay, xasillooni-darro lacagta ah, iyo carqalado ku yimid ganacsiga iyo adeegyada inta uu dagaalku socdo. Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in dagaal sii socda uu keeni karo hoos-u-dhac dhaqaale oo aad u daran iyo qalalaase gudaha ah oo halis gelin kara xasilloonida dalka.

