Wednesday, March 25

Bishii January ee 2024, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ballanqaaday dhammaystiridda dastuurka ku-meel-gaadhka ah isaga oo Xafladdii Caleemasaarka madaxweynaha Buntilaan ka sheegay “in hawshu ka bilaabanayso muddaxileedka soo socda, oo aanay doorkan wax xidhiidh ah la lahayn. dadkuna ay tahay in ay u dhug yeeshaan.”

Toddobaadkii hore se wuxu yidhi weedhaa sare mid ka duwan, ka dib markii baarlamaanku ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka oo ay muddaxileedkiisana dhawr toddobaad uga hadhsan tahay: xilligii dastuurka ku-meel-gaadhka ahi waa “sida cadceed galbatay”. Waana la aasay dukumentigii Soomaaliya lagu xukumayay tan iyo 2012.

Waxa aynu labadaa hadal kala soo dhex baxaynaa jihada cusub ee ay Soomaaliya qaadday tan iyo 1991-kii; in ay gashay marxalad dastuur oo saamaynteeda iyo xasaasiyaddeeda leh. Waxana ka dhalanaysa libintaa xukuumaddu sheeganayso iyo walaaca mucaaradku ka muujiyay su’aasha ah in dawladda Soomaaliyeed ay karaan u leedahay in ay sii socoto.

Fadhigii wadajirka ahaa ee ay yeesheen labada aqal, Maarso 4 teedii, wuxuu u codeeyay in uu ansixin doono wax-ka-beddelka dastuurka, oo uu si rasmi ahna u soo gebagabeeyay muddadii 12ka sano ahayd ee dastuurka ku-meel-gaadhka ah. Aadan Maxamed Nuur oo ah Afhayeenka Golaha ayaa ku dhawaaqay in si degdeg ah loo dhaqangelin doono nuskhaddan. Sida warbaahinta dawladda Soomaaliya soo tebisayna waxa u codeeyay in wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka 223 xildhibaan, mana ay xusin cid ka soo horjeedsatay.

Axaddii hore ayuu saxiixay madaxweynuhu si uu mid fulin leh u noqdo, waxana uu sheegay: “in hadda aynu bilaabayno dhaqangelinta tooska ah ee dastuurka cusub.”

Isbedello waaweyn ayuu dalku la kowsanayaa oo nidaamkii baarlamaaniga ahaa waxa looga guuray nidaam madaxweyne. Isla wakhtigaa waxa hoos loo dhigay awoodda madaxweynayaasha maamulgoboleedyada oo kolkii hore lahaa awoodo madaxbannaan oo baaxad leh. Waxa markii u horraysay doorashooyinka baarlamaanka loo soo dooranayaa qaab toos ah, halkii lagu soo dooran jiray xulashada madax-dhaqameedyada. Xildhibaannada aqalka sare iyo hoose ayaa kolkaa toos u dooranaya madaxweynaha. Waxa ka mid ah Isbedellada kale ee la sameeyay in muddaxileedkii baarlamaanka laga dhigay shan sano, halka uu ahaa afar sano.

Kolkii la ansixiyay ka dib RW Xamse Cabdi Barre wuxuu bartiisa X ku shaaciyay, “in dawladda Soomaaliya wixii hadda laga bilaabo ay ku taagan tahay sees sharci oo joogto ah, oo muddadii dastuurka ku-meel-gaadh ah ah soo idlaatay.” Waxana soo dhaweeyay go’aankaa maamullada Waqooyi Bari iyo Hirshabeelle oo gobolka Banaadirna weheliyo, halka ay Galmudug ka aamustay.

Sida ay qabaan qoorweynta siyaasiga ah ee Soomaaliya tani ma ahayn bar taariikheed, balse waxa ay ahayd mid lagu kala qaybsamay, Waxa si qayaxan iyana dhiggooda u diiday wax-ka-beddelka dastuurka cusub labada maamul goboleed ee Jubbalaan iyo Buntilaan. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo isbahaysi mucaarad oo ballaadhan ah oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore iyo shakhsiyaad siyaasadeed oo la garanayo oo si buuxda u metela badi ururrada siyaasadeed ee dagaalkii sokeeye ka dib samaysmay ayaa iyaguna si cad uga soo horjeestay.

Dhanka kale, waxa xilligii codaynta lagu jiray is casilay saddex wasiir oo xukuumadda ka tirsan. Xubin ka mid ah aqalka sare oo Buntilaan ka socota ayaa sheegtay in ay bilawgii ka qaybgashay geeddisocodka dhamaystirka dastuurka balse ay ka baxday maaddaama oo aanay doonayn in ay sharcidarro ku sii joogto kursiga. Waxa ay ka mid ahayd 60 xildhibaan oo aqalka hoose iyo sareba leh oo ka soo jeeda Buntilaan iyo Jubbalaan oo ka hor yimi geeddisocodkaa.

Soomaaliyadii dagaalka ka dib ma ahayn dal midaysan. Labo xubnood oo ka mid ah dawlad-goboleedyadeeda afarta ah—Buntilaan iyo Jubbalaan—ee nidaamka federaalka ayaa ka baxay, sababo la xidhiidha khilaaf doorasho iyo dastuureed oo xukuumadda federaalka ah aawadood, waxana ay Somaliland qudheedu ahayd dawlad madaxbannaan tan iyo 1991-kii oo si toos ahna uga soo horjeedda mashruuca federaalka. Al-Shabaab, oo koox maxalli ah, hubaysan, oo la ollog ah Al-Qaacida, maamushana koonfurta iyo gobollada dhexe ayaa u hammuunqabta in ay xukuumadda gebi-ahaanteedaba xididdada u siibto. Kolkaa, dastuurka cusubi marxladdaa kala dhantaalan buu ku soo beegmayaa.

Tan iyo dagaalkii sokeeye ka dib waa markii u horraysay ee uu dalku galayo laba dastuur oo baratamaya, innaga oo xisaabta ku darsanayna in ay Somaliland maqan tahay. Sida ay qabaan kuwa difaacaya dastuurkii ku-meel-gadhka ahaa ee 2012 waa dukumentiga sharci ee keli ah ee ka dhashay midhaha xal siyaasadeed iyo gorgortan sannado qaatay. Qolada dastuurka cusub taageersanina, waxa ay aaminsan yihiin, in uu yahay dhammaystir in badan la sugayay oo xukuumadihii kala danbeeyayna ballanqaadeen balse ku fashilmeen hirgelintiisa. Mana jirto maxkamad dastuuri ah oo u dhexaysa in ay kala saarto labadaa koox. Doorashooyinka la ma qorshayn wakhtigooda oo ma cadda sida ay u qabsoomayaan. Muddaxileedka baarlamaanka iyo madaxweynuhuna gebagabo ayay ku sii siqayaan. Mid ka mid ah xildhibaannada mucaaradkuna sida uu sheegay dalku wuxuu galay “qalalaase dastuur.”

Xiisaddu way kacsanayd toddobaadkii ka horreeyay codaynta dastuurka. In ka badan 30 xildhibaan oo Buntilaan baarlamaankeeda ka tirsan ayaa goostay tigadhada Garoowe si ay uga qaybgalaan kulan uu ugu yeedhay madaxweynaha Buntilaan Siciid Cabdillaahi Deni si uu uga la niqaasho xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya haddii xukuumaddu go’aansato codaynta dastuurka oo sida ay u badan tahay baarlamaanku ansixin lahaa. Hasayeeshee diyaaraddii waxa la amray in ay Muqdisho ku noqoto oo safarkii xildhibaannaduna sidaa ku baaqdo. Wuxuu Deni tallaabadaa ku eedeeyay dawladda federaalka isaga oo ku tilmaamay in ay samaysay “fal masuuliyadarro iyo sharcidarro ah.” Federaalkuna wuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo eedaynahaa ku saabsan diyaaradda la hakiyay.

Xildhibaannada ay saamaysay arrintani ayaa iyaguna federaalka ku eedeeyay in xuquuqdii dastuuriga ahaa iyo xasaanaddoodii baarlamaan lagu xadgudbay, iyaga oo tibaaxaya “in go’aankaasi yahay mid muujinaya faragelin siyaasadeed”. Waxa ay Buntilaan ka xayirtay madaarradeeda dhammaan duulimaadyada Shirkadda Daallo, iyada oo taas ka falcelinaysa.

Waxa is casilay, codayntii ka dib, laba wasiir oo reer Buntilaan ah. Wasiirkii Batroolka Ismaaciil Buraale oo sheegay in aan ”si munaasab ah loo dhammaystirin dastuurka.” Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo ah Wasiirka Shaqada ayaa isaguna dhankiisa xusay “in aanu ka qaybqaadanayn wax kasta oo dhibaya dadka reer Buntilaan iyo dawladdoodaba”. Waxa isaguna ku soo biiray Ku-xigeenka La Taliyaha Sare ee Amniga Qaranka, oo muujinaysa in mucaaraddada mashruucaasi ay u gudubtay boosaska sare ee xukuumadda.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban siyaasiyiin mucaarad ah ayaa waxa ay ku eedeeyeen in 50 xildhibaan laga hor istaagay in ay ka qaybgalaan wadatashiyada baarlamaanka. Waxa ay baaq ku sheegeen in: “Wax-ka-beddelka dastuurka iyada oo loo marayo go’aan hal dhinac ah, oo aan la talin iyo habraac sharci oo habboon la marin, ay tahay waddo meesha looga saarayo sarraynta sharciga, taas oo abuuri karaysa qalalaase dastuur oo wiiqa haayadaha dawladda.”

Sida ku xusan tirooyinka warbaahinta dawladdu baahisay, waxa ka joogay 186 xildhibaan maalintii codaynta 275 ka aqalka hoose, oo ka noqonaysa 68 boqolkiiba golaha.

Eedaynta mucaaradku ku ma koobnayn in habraaca khalkhal ku yimi. Balse waxa ay ahayd maaddaama oo muddaxileedka Xasan Sh. Maxamuud ku eg yahay bisha Maaj baarlamaankana Abriil, waxa ay uga faa’iidaysteen in ay dib u qaabeeyaan haayadaha dalka iyo dastuurka si ay muddo u kordhin u samaystaan.

Sareedo Xasan Jayte oo ah senetarad ka socota Buntilaan kana mid ahayd shakhsiyaadka diiday geeddisocodka ayaa iska hor imaadkaa uga hadashay si cad: “Madaxweynuhu waxa uu noo ballanqaaday in shaqada socota ee dastuurku aanay muddaxileedkan ku dabbaqmayn, balse kan soo socoda laga bilaabayo. Waxaan ka tirsnaa xubnihii ka shaqeeyay bilawgii oo waan iskaga baxay. Imikana waxaynu joognaa xaalad lagu kordhinayo muddaxileedkayaga oo lana dhaqangelin doono.”

Waxa ay caddaysay in diidmadeedu aanay ku salaysanayn nuxurka wax-ka-beddelka, balse waxa ka dhalanaya in isbeddel culayskaa leh lagu sameeyo iyada oo lagu jiro xilli gebagabo uu yahay muddaxileedku. Waxa ay xustay: “waxa muhiimka ii ahi waa in madaxweynuhu aanu kordhin muddaxileedyada. Hore ayay taas u sameeyeen. Kiisa uun ma kordhin e wuxuu sida oo kale kordhiyay muddaxileedkayaga.” Waxa kale oo ay sheegtay, “in aanan doonayn si sharcidarro ah in aanu ku sii joogno kursiga.”

Xildhibaanka mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdiishakuur ayaa dhankiisa wuxuu sheegay aragtidaa isaga oo qaab kale oo ka qayaxan u dhigaya: “Mabda’ ahaan, waxa u hadhay madaxweynaha bil keliya. Sidee ayay suuragal ugu tahay kolkaa in uu beddelo dastuurka dal dhan isaga oo muddaxileedkiisu marayo maalmihii u danbeeyay? Wuxuu luminayaa raasamaalkiisii siyaasadeed. Ma awoodo in uu asal ahaanba taas fuliyo. Maxaa yeelay maamulgoboleedyadu waxa ay haystaan madaxbannaani aad u weyn. Wuxuu leeyahay awood sharci balse awood fulineed ma laha.”

Qof kasta oo ku sugan baarlamaanka sidaa ugu ma muuqato. Maxamed Ibraahin Mucallimuu oo ah xildhibaan aqalka hoose ka tirsan oo la dhacsan wax-ka-beddelka ayaa wuxuu ku difaacay in ay tani tahay arrin horusocod ah.

Dastuurkii 2012 wuxuu ahaa weligii mid ku-meel-gaadh ah. Waxa loogu talagalay in dib loogu noqdo, la dhammaystiro, oo lana beddelo. In kasta oo xukuumadihii kala danbeeyay ay ku fashilmeen in ay dhamaystiraan geeddisocodkiisa, oo ku dhawaad 15 sano ka dhigtay dhismaha dawladda Soomaaliyeed mid taagan. Wuxuu tibaaxay Mucallimuu: “Waxa la sugayay wax ka badan 12 sano, oo la mana sugi karayo 12 kale. Baarlamaanku wuxuu ku shaqeeyaa mabda’a aqlabiyadda imikana aqlabiyad way joogtaa, waana laga soo horjeesan karaa wax-ka-beddelka balse waa in la aqbalo xeerarka cusub. Dimuqraadiyaddu waa sidaas.”

Maanifeestadii Xasan Sh. Maxamuud 2022-kii uu ku ololaynayay, waxa udubedhexaad u ahaa in uu dhamaystiro dastuurka ku-meel-gaadhka ah. Khudbad uu jeediyay toddobaadkii hore ayuu arrinkaa ku xoojiyay, “dawlad liidata ayaynu nahay oo dastuurka qabyada ah baa u sabab ah . . . Soomaaliya ma aha Soomaaliyadii 12 sano ka hor.” Dastuurkii hore waxa si ku talagal ah loogu qoray qaab madmadow ku jiro, taas oo maamugoboleedyada iyo dawladda federaalka ka dhex aloostay muranno dabadheeraada, iyo sida oo kale xafiiska raysal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Wuxuu madaxweynuhu 2025 heshiis la saxiixday garab ka soo baxay isbahaysi mucaarad hore oo ku kelliftay in uu yareeyo wax-ka-beddello asaasi ahaa oo ku saabsan nuqulkii asalka ahaa ee uu ku soo jeediyay wax-ka-beddelka dastuurka. Haseyeeshee isbeddelkaa ku ma qancin siyaasiyiintii qoorweynta ahaa ee saamaynta lahaa ee isbahaysiga ku jiray, kolkii danbena sameeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Waxa taageero uu ka helay dhammaystirka dastuurku xildhubaanno iyo masuuliyiin ku sifeeyay in ay tahay arrin taagan. Waxa jeerkaa ka soo horjeestay mucaaradka oo ku tilmaamay in tallaabadan oo aan la isku waafaqsanayni ay horseedi doonto halis badan.

Waxa ka mid ah xildhibaannadaa Mucallimuu oo tibaaxay in dukumentigii 2012 aanu lamataabtaan ahayn. Cid kasta oo u ula dhaqanta sidaasna ay toobiye khaldan hayso oo mawqifka madaxweynuhu sax yahay in wax-ka-beddel lagu sameeyaana ay furan tahay. Wuxuu kale oo uu xusay: “In aanu Quraan ahayn e, dastuur yahay. Shakhsiyaadka mucaaradka ahina haddii aanay la dhacsanayn ay soojeedin karaan mooshinno ay wax-ka-beddel ku dalbanayaan ama in ay dib u qiimayn ku sameeyaan. Kuwa tooska u diiday se waa in ay soo noqdaan oo ka hawlgalaan mooshin cusub.”

Waxa uu Mucallimuu sida oo kale soo bandhigay falanqayn uu is lahaa kulaylka falceliska mucaaradka ku deji, balse isaga oo aan ula jeedin uu ku xoojiyay mid ka mid ah doodaha mucaaradka ee gundhigga ah: “aragtidayda arrimahani ku ma saabsana wax-ka-beddel uun, balse waa arrimo siyaasi ah oo u dhexaysa kuwa ku tartamaya madaxtinnimada ee ku dheelaya baarlamaanka.”

Cilmibaadhaha iyo la taliyaha Soomaaliyeed ee Cabdinuur Daahir ayaa ku waafaqay oo sheegay in wax-ka-beddelku aanu doodo kulul kicinayn, oo qaarkood ay, “abuurayaan hannaan cad oo ku aaddan xidhiidhka maamulgoboleedyada iyo dawladda dhexe, gaar ahaan wixii ku saabsan awoodda iyo ilaha,” balse falanqaynta ku tacalluqda nuxurka wax-ka-beddelku waxa ay soo bandhigaysaa arrin intan ka qotodheer. Waxana uu sheegay in ay si weyn ay dooddu isugu biyashubanayso loollan abbaan ku saabsan doorashooyinka madaxtinnimada.

Wuxuu ku daray intaa: “Mucaaradku waxa ay ka baqayaan in wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka si meesha loo keeno nidaam aan la dabbaqi karayn, madaxweynuhu se wuxuu abuurayaa jawi muddo kororsi ama uu ku xakamayn karo wakhtiga doorashooyinka una adeegaysa in dib loo doorto.”

Afyare Cilmi oo bare sare oo cilmibaadhe ka ah Jaamacadda Muqdisho ayaa dhankiisa wuxuu sheegay: “Ciyaartu in ay tahay mid xukuumaddu ku doonayso muddo kororsi, waana qorshaha kowaad ee uu Xasan Sh. Maxamuud leeyahay. Qorshaha labaad se waa mid uu ku doonayo in uu gacan bir ah ku qabto haayadaha ay ka mid yihiin madaxtooyada, guddiga doorashooyinka iyo kuwa kale ee la halmaala.”

Waxa ay naqdinta Afyare Cilmi daarran tahay arrinka ku saabsan waxa taas ku riixaya. Warbixin cilmibaadhiseed ay sannadkii hore baahisay ururka aan xukuumiga ahayn ee Iswidhishka ah, Akaadeemiyada Folke Bernadotte, ayuu ku dooday in geeddisocodkii nabadeed ee Soomaaliya—heshiiskii Carta ee Jabbuuti, 2000 iyo kii Mbgathi ee Kiiniya, 2004—ay dastuur-samayntu imanaysay ka dib kolka la dhidbo nabadda oo bulshaduna heshiis noqoto, ee aanay ka soo horraynayn.

Wuxuu Cilmi ku dooday in xukuumaddu ay jidkaas si weyn uga leexatay. Waxa uuna sheegay: “In ay geeddisocodkii nabad-dhalinta ku beddeshay dastuur-samayn. Waxana ay beddeshay heshiiskii siyaasadeed ee gundhigga ahaa, iyada oo aan sugin nabadda oo seeskii heshiiska ah.”

Wuxuu sida oo kale tibaaxay weyddiinta aanay xukuumaddu ka hadlin: sidee looga jawaabayaa haddii ay Soomaalilaan soo noqoto ama ururka jihaadiga ah ee Koonfurta ka dhisan Al-Shabaab ay gaadho heshiis siyaasadeed oo wax-ka-beddel doonto? “Dastuurka oo ay qaybo muhiim ahi ka maqan yihiin, dhamaystirkiisu wuxuu dhalinayaa weyddiimo kakan oo dheeraad ah. Waxa uu noqonayaa mid aanu weligii dhammaystirmi doonin.”

Masuul sare oo Soomaaliyeed baa wuxuu sheegay jawigaa ay ku jirto, in xukuumaddu ay u malaynayso in ay awooddo in ay falcelinta mucaaradka ka gudubto oo ay siyaasad ahaanna ka adkaan karayso, balse wuxuu ku daray in waxa ay danaynayaan ay ka duwan tahay hadda. Wuxuu yidhu: “Mucaaradku ma doonayaan keli ah in ay ka hadlaan doorashooyinka, halka madaxweynuhu xoogga saarayo dastuurka. Waa kala-maan.”

Doodda ku saabsan khilaafka dastuuriga ah way ku kala qaybsameen maamulgoboleedyadu. Waxa soo dhaweeyay wax-ka-beddelka, Waqooyi Bari, Hirshabeelle iyo Banaadir. Galmudug se way ka aamustay.

Sawirka guudi ku ma koobna uun sheekada ah, “Muqdisho ka soo horjeedda dadka oo dhan.” Maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan la sameeyay il ka timi ayaa sheegtay in wax-ka-beddelka u dhexeeya awood qaybsiga maamullada federaalka iyo caasimaddu yahay mid, “muddo badan la sugayay,” wuxuu kale oo ku daray in ay Muqdisho soo bandhigto taageero amni iyo maaliyadeed haddii ay doonayso in ay fidiso nidaamkeeda.

Balse labada maamulgoboleed ee diiday dastuurka cusub la ma dhayalsan karo oo waa jilayaal saamayn leh. Buntilaan iyo Jubbalaanna waa labada maamulgoboleed ee ugu horumar badan dhanka haayadaha, oo waxa ay xukumaan bed aad u weyn, ciidan amni oo shaqaynaya ayaa u weheliya, sidoo kale waxa ay maamulaan arrimahooda dibedda iyo ilahooda maaliyadeed oo siinaysa heer isku-tiirsanaan ah oo ka dhigaysa xukuumadda federaalku in aanay awooddeedu aragti dhaafsiinayn oo dhaqangal ahayn. Somaliland oo dhankeeda ah dal madaxbannaan oo aan qayb ka ahayn mashruuca federaaliga ah tan iyo 1991, waxa ay si dhammaystiran uga taagan tahay nidaam ka baxsan federaalka.

Wasiirka Warbaahinta ee Buntilaan Maxamuud Dirir ayaa wuxuu sheegay in maamulgoboleedkiisu aanay aqoonsanayn dastuurka cusub, isaga oo hoosta ka xarriiqay kala qaybsanaanta sharci ee gudaha dawladda. Diidmadiisu waxa ay ahayd mid taxaddar leh waxaanu yidhi: “Nuxurka dastuurka cusub ka ma soo horjeedno, balse sida oo kale hannaanka loo maray ansixntiisa baanu ka soo horjeednaa.”

Wuxuu Wasiirku ka digay in Buntilaan ay qabato, “doorasho isku sidkan oo loo qabanayo Xildhibaannada aqalka sare iyo kuwa hoose, muddaxileedkoodana loogu cusboonaysiinayo, haddii ay lagamamaarmaan tahayna hore ayaanu uga soconaynaa oo waxa aanu ka shaqaynaynaa doorashada madaxweyne cusub.” Tallaabo noocaas ahi waxa ay Soomaaliya ku hagi kartaa in ay ka dhalato xukuumado tartamaya, mid kastaana sheeganayso madaxbannaani qaran.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Cabdishakuur in Soomaaliya ay qaadday jidkii dalka lagu xukumi lahaa laba dastuur oo kala duwan: “haddii labo maamulgoboleed ay diideen in ay wax-ka-beddelka qayb ka noqdaan, mucaarad saamayn lihina ay ka soo horjeedaan, dadweynuhuna aanu qayb ka ahayn, dastuurkani ciddee isku haynayaa? Maxaa yeelay, yoolka asaasiga ah ee dastuur kasta loo samaystaa ku ma jiro halkan. Kani waa dastuurka halka qof.”

Cilmi oo waxqabadkiisa akadeemigga ahi masaladaa uu sannado badan ku dersayay, ayaa wuxuu tibaaxay isla dooddaa: “heshiiskii siyaasadded ee 2012 waxa uu ku taagnaa afar tiir: doorashooyin nidaamsan, haykal federaali ah, nidaam baarlamaani ah, iyo nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5 oo ay kuraasta sarsare reeraha waaweyni leeyihiin.”

Dastuurka cusub, wuxuu ku dooday, in uu saddex ka mid ah afartaa tiir furfurayo, iyada oo aan dhidibbada loo aasin heshiis la isla oggol yahay sida taas dhacday berigaa. Wuxuu xusay” in aanay weeli arag tan oo kale maxaa yeelay berigii hore waxa la isku waafaqay in dawladda lagu dhiso dastuurka ku-meelgaadhka ah ee 2012, si wax looga beddelana beegaallo culus baa hor dhoobnaa.”

Dhanka kale, aragtidiisa ku aaddan mashuuca dawlad-dhisku waxa ay ahayd mid kulul: “Jamhuuriyaddii saddexaad hubanti way dhimatay, haddii aanay imika rafanayn,” isaga oo dib u faagaya wareegyadii siyaasadeed ee dalka, kolkii dimuqraaddiyaddii la curdindhadhiyay, taliskii milatariga ahaa dalka uu la wareegay, dabadeedna bilawgii sagaashameeyadii la galay burbur buu sidaa tibaaxay.

Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo mucaaradka folaad u ah ayaa soo xigtay weedh ay siyaasiyiinta Soomaalidu ku celceliyaan, isaga oo xiganaya andacoodkii Taraam ee ahaa in Soomaaliya aanay lahayn xukuumad shaqaynaysa oo sida uu Farmaajo soo bandhigay jidkaa uu beddelayo.

Wuxuu yidhi: “Andacoodka Taraam ha ka dhiginina mid run ah. Waxa ay ka marag-kacaysaa haddii jidkan aad qaaddaan in Soomaaliya aanay lahayn xukuumad.”

Exit mobile version