Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Maraykanka oo dhinac ah iyo Iran oo dhinaca kale ah dhammaadkii bishii hore, wuxuu si weyn u saameeyay dhaqaalaha caalamka, suuqyada tamarta, gaar ahaan qaybaha Shidaalka iyo gaaska.
mrxaladda dagaalka ayaa gaaray heer ay Israel weerartay goobta gaaska ee South Pars ee Iran Arbacadii, taasoo keentay in Iran ay ka aargoosato iyadoo weerartay xarunta Ras Laffan ee Qatar, ay bartilmaameedsato warshad sifeynta shidaalka ee Sacuudi Carabiya, isla markaana ku qasabto Imaaraadka Carabta inay xirto xarumo gaas. Weeraradu sidoo kale waxay sababeen dab ka kacay laba warshadood oo sifeynta shidaalka ah oo ku yaal Kuwait, intaas wixii ka danbeeyey Qiimaha shidaalka ayaa kor u dhaafay $110 foostadii, kadib markii la beegsaday goobta ugu weyn gaaska adduunka, haddaba waa kuwee goobaha gaaska ee ugu weyn adduunka?
Xarunta North Field/South Pars, Waa goob gaas oo ay wadaagaan Qatar iyo Iran oo ku taal Gacanka, waana goobta gaaska dabiiciga ah ee ugu weyn adduunka, iyadoo ka kooban North Field oo ku yaal xeebta Qatar iyo South Pars oo ku yaal xeebta Iran.
Kaydka guud ee goobtan ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 28 tiriliyan mitir kuyuubik, sida ay sheegtay Encyclopedia Britannica, halka Reuters ay sheegtay qiyaaso gaaraya ilaa 51 tiriliyan mitir kuyuubik oo gaas la isticmaali karo, taasoo ku filan inay daboosho baahida adduunka muddo 13 sano ah.
Goobtan oo ku fidsan biyaha Gacanka ee u dhexeeya Iran iyo Qatar, waxay ka kooban tahay qiyaastii 10% kaydka gaaska dabiiciga ah ee la og yahay ee adduunka, sida ay sheegayaan qiyaasaha shirkadda Qatar Energy, Goobta South Pars waxay siisaa Iran qiyaastii 70% isticmaalkeeda gaaska dabiiciga ah.
Goobta Pars waa qayb ka mid ah North Field ee Qatar waxay wadaagaan hal kayd, Qatar-na waxay ka heshaa qiyaastii 65% gaaska goobtan, halka Iran ay ka hesho qiyaastii 35%, sida uu sheegay khabiirka shidaalka iyo tamarta Amer Al-Shobaki, Al-Shobaki wuxuu sharxay in goobtan ay siiso Iran qiyaastii 70–80% baahideeda gaaska dabiiciga ah, isla markaana ay bixiso qiyaastii 60–65% gaaska loo isticmaalo soo saarista korontada,Goobtan ayaa sidoo kale ka masuul ah bixinta qiyaastii 45% baahida gaaska ee Ciraaq ee soo saarista korontada, waxayna sidoo kale siisaa Turkiga qayb yar oo ka mid ah baahidiisa, sida uu sheegay Al-Shobaki.
Xarunta Ouringwe, Xarunta Urengoy ee dalka Ruushka waa tan labaad ee ugu weyn goobaha gaaska adduunka, Waxaa la helay sanadkii 1966, wax soo saarkuna wuxuu bilaabmay sanadkii 1978, waxaana kaydkeedii hore lagu qiyaasay qiyaastii 8.1 tiriliyan mitir kuyuubik, Qiyaastii saddex-meelood laba gaaskan ayaa laga helaa lakabka ugu sarreeya ee kaydka, oo ku yaal meel qoto dheer oo cabirkeedu yahay inta u dhexeeya 1100 ilaa 1250 mitir.
xarunta Yamburg, Goobta Yamburg waa tan labaad ee ugu weyn gaaska ee Ruushka, waxayna ku taallaa waqooyiga Arctic Circle, kana sii xigta waqooyiga goobta Urengoy, Kaydkeedii hore waxaa lagu qiyaasay qiyaastii 4.7 tiriliyan mitir kuyuubik oo gaas ah, Horumarinta goobta Yamburg waxay bilaabatay horraantii 1980-meeyadii.
xarunta Groningen Goobta Groningen waa goobta ugu weyn ee gaaska dabiiciga ah ee Yurub, iyadoo kaydkeeda la soo saari karo lagu qiyaasay u dhexeeya 2.7 ilaa 2.8 tiriliyan mitir kuyuubik, Goobtan waxaa la helay sanadkii 1959 xeebta Netherlands, wax soo saarkuna wuxuu bilaabmay sanadkii 1963, waxaana la soo saaray qiyaastii 60% kaydkii hore ee goobta.
Xarunta Hassi R’mel, Goobta gaaska Hassi R’mel waxay ku taallaa bartamaha kaydka Aljeeriya, Waqooyiga Afrika, Waxaa la helay sanadkii 1956, waxaana lagu qiyaasay in goobtan markii hore ay lahayd qiyaastii 2.52 tiriliyan mitir kuyuubik oo gaas la soo saari karo, Hassi R’mel waxay soo saartaa qiyaastii 100 bilyan mitir kuyuubik oo gaas ah sanadkiiba, taasoo u dhiganta 60% guud ahaan wax soo saarka gaaska qalalan ee Aljeeriya.
Xarunta Orenburg, Goobta Orenburg, oo la helay sanadkii 1967, waa goobta ugu weyn ee gaaska Ruushka ka baxsan Siberia Galbeed, Waxay lahayd kayd hore oo lagu qiyaasay 1.8 tiriliyan mitir kuyuubik oo gaas ah, waxaana wax soo saarku ka bilaabmay sanadkii 1974.
xarunta gaaska Troll, Goobta Troll ee Norway waa tan labaad ee ugu weyn goobaha gaaska ee Yurub, waxayna ku taallaa hoosta Badda Waqooyi, wax ka yar 100 kiiloomitir xeebta Norway, Goobta Troll waxay ku taallaa 65 km galbeed magaalada Bergen, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, waana goobta ugu weyn ee gaaska Norway iyo sidoo kale mid ka mid ah goobaha shidaalka ugu waaweyn ee dalka, Goobtan waxaa la helay sanadkii 1979, waxaana kaydkeeda la soo saari karo lagu qiyaasay 1.3 tiriliyan mitir kuyuubik.
Wax yar kadib markii wax soo saarku ka bilaabmay sanadkii 1996, Norway waxay noqotay mid ka mid ah soo-saarayaasha iyo dhoofiyayaasha ugu waaweyn gaaska dabiiciga ah ee adduunka, Goobta Troll waxay ka kooban tahay in ka badan kala bar kaydka la xaqiijiyay ee gaaska dabiiciga ah ee Norway.
Xarunta Hogton, Goobta Houghton waxaa la helay sanadkii 1927 gobolka Kansas, Maraykanka, kadibna waxaa la ballaariyay ilaa Oklahoma iyo Texas, Wax soo saarka guud ee Houghton ayaa lagu qiyaasay 1.5 tiriliyan mitir kuyuubik, iyadoo qiyaastii 65% laga soo saaray ilaa hadda.

