Wednesday, March 11

Xilligan oo dagaal adagi ka dhex socdo Iiraan oo dhinac ah iyo Maraykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah, golayaasha gorfaynta siyaasadda iyo dagaalka waxa kusoo noqnoqda weydiinta ah Shiinuhu ma usoo gurman doonaa Iiraan? Haddiiba se gurmadkaasi dhaco, qaab sidee ah ayay taageeradaasi noqon doontaa?

Jawaabta weydiintani waa mid ka sarraysa oddoroska caadiga ah ee ‘haa’ ama ‘maya’ mid ah ee la xidhiidha isbahaysiyada millatari ee soojireenka ah. Waa lama-filaan in Shiinuhu ciidamo usoo diro Iiraan, amaba uu si toos ah dagaalka usoo galo, se in isla qodobkan laga soo qaado faragelin la’aani waa fahandarro ka jirta fahanka dabeecadda loollanka awoodaha waaweyn ee qarnigan 21aad.

Taageerada Shiinuhu siinayo iiraan waa mid dhab ah oo wejiyo dhawr ah leh, mararka qaarna ka qotodheer faragelin millatari; si fudud, Shiinuhu waxa uu ku shaqaynayaa heer istiraatiijiyadeed oo ka duwan qaababka kale. Golaha Ammaanka kolka la joogo, Shiinuhu waxa uu joogteeyey adeegsiga hubkiisa ugu awoodda badan ee ah xaqa diidmada qayaxan (vito). Kulan degdeg ah oo bishii hore la qabtay, Safiirka Shiinuhu, Sun Lei, waxa uu Maraykanka u jeediyey farriin kulul oo ah: “Awooddu uma xallin karto dhibaatooyinka si abadi ah, ee waa ay uga sii daraysaa, qar-iska-xoornimo kasta oo millatarina keliya waa tallaabo gobolka ku riixaysa haadaan aan la saadaalin karin”. Waa farriin ka culus hadal caadi ah. Mawqifka rasmiga ah ee Shiinuhu “waxa uu taageersan yahay madaxbannaanida Iiraan iyo midnimada dhulkeeda”, waxaanu kasoo horjeedaa “in awood loogu hanjabo, jujuubna lagu xalliyo arrimaha xidhiidhada caalamiga ah la xidhiidha”.

Shiinaha oo xoojinaya mawqifka uu ka taagan yahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaanuunka caalamiga ah, waxa uu Iiraan siinayaa taageero qiimo kasta oo kale ka sarraysa: waa taageerada sharciyadda fagaaraha caalamiga ah iyo tebin lid ku ah cadaadiska Galbeedka.

Iswaafaqid istiraatiiji ah:
Xisaabaha diblumaasiyadeed waxa ay gebi ahaanba isbeddeleen kolkii si rasmi ah, sannadkii 2021, Iiraan loogu oggolaaday inay si buuxda xubin uga noqoto Ururka Iskaashiga ee Shangahaay, iyadoo xubin ka noqotay dalalka Shiinaha, Ruushka iyo dalal Eeshiyada dhexe ah. Tallaabadan waxa ku xigtay ku biiriddii Iiraan ee BRICS. Arrimahani ma aha heshiisyo millatari, se waxa ay gundhigayaan arrin intaba ka qotodheer: iskaashi iyo wadatashi joogto ah, kuna salaysan is waafaqidda istiraatiijiyadaha.

Sannadkii hore, diblumaasiyiin Shiine, Ruush iyo Iiraan ah baa ku kulmay magaalada Bikiin, waxaanay ku heshiiyeen xoojinta ku midaysnaanta ururrada caalamiga ah, sida BRICS ama Ururka Iskaashiga Shangahaay. Isku soo dhawaanshahan hay’adeed waa wax ka dhigan in xadgudub kasta oo lagula kaco Iiraan, uu si maldahan u yahay qaddiyad taabanaysa awoodaha caalamiga ah ee kasoo horjeeda gacansarraynta Maraykanka.

Walow Shiinuhu uu ka fogaanayo isfoodsaar toos ah, haddana kama gabban iskaashi millatari oo muuqda. Horraantii Feebarweri ee sannadkan, Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan waxa ay baahiyeen maraakiib dagaal oo si wadajir ah dhoollatus ugu samaynaya marinka Hurmus oo istiraatiijiyad sare leh. Mid ka mid ah kaaliyayaasha madaxweynaha Ruushku waxa uu dhoollatuskaas ku tilmaamay mid looga dan leeyahay dhisidda “hannaan caalami ah oo awoodo badani ka jiraan badaha”, lagagana hortago gacansarraynta Galbeedka.

Waxa kale oo soo baxay warar ku saabsan iskaashi difaac oo weyn. Mareegta Middle East Eye waxa ay sannadkii hore soo bandhigtay in Iiraan ay Shiinaha ka heshay baytariyada gantaallada cirka-iyo-dhulka ah, oo Shiinuhu farsameeyo, si ay u xoojiso awooddeeda difaac ee hawada. Waxa lagu sheegay heshiis shidaalka ay dhaafsatay hub, si Iiraan ay uga gudubto cunaqabataynta Maraykanka. Warbixino kale ayaa tilmaamay in Iiraan ay heshay diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay J-20 ee jiilka shanaad, iyo diyaaradaha J-10C, iyo nidaamyada difaaca cirka ee noocoodu yahay HQ-9, walow aan si rasmi loo xaqiijin.

Hal-ku-dhigyada laftoodu waa kuwo aan ka muhiimad yarayn walxaha la arko. Intii ay socdeen dabbaaldegyadii Maalinka Ciidamada Cirka ee Iiraan, bishii Feebarweri, Millatari ka socda Shiinaha ayaa soo bandhigay nooc cusub oo diyaaradda dagaalka ee J-20 ah, oo uu guddoonsiinayo Taliyihii Ciidamada Cirka ee Iiraan. Waa farriin si weyn loogu fasiran karo in ay cutub cusub oo iskaashi difaac ahi u bilaabmayo labada dal.

Dunida Awoodaha Badan
Laga yaabee in taageerada Shiinuhu siinayo Iiraan aan laga arkin fagaaraha dagaalka, se waa mid si kale uga muuqda xisaabaha Iiraan. Ka sokow in Maraykanku cunaqabatayn saaray Iiraan, haddana Shiinuhu waa saaxiibka koowaad ee Iiraan leedahay dhinaca dhoofinta tamarteeda, boqolkiiba sagaashan shidaalka Iiraan dhoofisana waxa qaata Shiinaha.

Maraykanku waa uu ku baraarugay arrinkan. Sannadkii hore, Wasaaradda Kaydka Maraykanku waxa ay cunaqabatayn saartay warshad sifaynta shidaalka ah oo Shiinuhu leeyahay, kuna taalla gobolka Shandong, iyadoo lagu tuhmay iibsiga shidaal Iiraan leedahay, oo qiimahiisu kor u dhaafayo hal bilyan. Maamulka Trump waxa kale oo uu ku gooddiyey “joojinta shidaalka Iiraan sida sharcidarrada ah looga dhoofsado, oo Shiinuhu ku jiro”. Safaaradda Shiinuhu ku leeyahay Maraykanku waxa ay kaga jawaabtay in ay dhaleecayso cunaqabatayntan “oo wiiqaysa nidaamka iyo xeerarka ganacsiga caalamiga ah”, kuna “xadgudbaysa xuquuqda iyo masaalixda sharciga ah ee shirkadaha Shiinaha”.

Iyadoo xidhiidhada dhaqaale ee Shiinaha iyo Iiraan mararka qaar la kulmeen qalalaase – sida in warshadaha sifaynta shidaalka ee Shiinuhu marar hakiyeen wax ka iibsiga Iiraan si looga dhuunto halista maaliyadeed ee Maraykanka – haddana jidku waa mid cad: Shiinuhu waa isha koowaad ee taageerta dhaqaalaha Iiraan ku taagan tahay, iskagana caabbiyeyso cadaadiska dibadeed.

Haddiiba Shiinuhu wato diblumaasiyad buste huwan, taageero haayadeed, iskaashi millatari iyo halbawle dhaqaale, sababma ayaanu heerkiisa taageero u ballaadhinayn? Sababma ayaanu usoo dirayn maraakiib dagaal, ama aanu si dhab ah ugu hanjabayn soo gelitaanka dagaalka?

Jawaabta weydiintu waxa ay ku duugantahay sida loo kala xaddidayo qodobbada mudnaanta istiraatiijiyadeed leh. Sida la ogyahay, ujeedka istiraatiijiyadeed ee ugu muhiimsan Bikiin waa dhabaynta midnimada dalkeeda, ka hor intaanay xaqiijin yoolkanna, waa in si taxaddar leh loo eego tallaabooyinka keeni kara qalalaase aan loo baahnayn oo kasoo hordhaca iska hor imaad toos ah oo lala galo Maraykanka.

Intan waxa dheer, Shiinuhu waxa uu aaminsanyahay, in hawlgal kasta oo millatari oo Maraykanku ku qaado Iiraan, si kasta oo uu khasaare u gaadhsiiyo, haddana ay adag tahay in uu nidaamka ku beddelo. Duruufta sidan ah, Shiinaha waxa u suurogal ah in uu ku dhaqmo qaab u eg habdhaqankiisii dagaalka Yukrayn: ka istaagidda ka qaybgal toos ah, isagoo ilaalinaya xidhiidhada dabiiciga ah ee dalalka u dhexeeya, taageero siyaasadeed iyo diblumaasiyadeedna laga siiyo Qaramada Midoobay, lana sii wado iskaashiga dhaqaale ee aan qaanuunka caalamiga ah khilaafayn.

Waxa aynnu arkaynaa ma aha siyaasad isbahaysi oo soojireen ah, ee waa arrin cusub: qaab ka mid ah qaababka iskaashiga istiraatiijiyadeed oo ku jaango’an wakhtiga awoodaha badani dunida ka hirgalayaan. Shiinuhu waxa uu Iiraan siinayaa garab diblumaasiyadeed, dhamaystir hay’adeed, iyo iskaashi millatari, isagoo intaas oo dhan ka sokowna, aan dhaafayn khadadka cas ee dhalinaya isfoodsaar toos ah oo dagaal ballaadhan dhaliya.

Kolka se loo yimaaddo in Shiinuhu badbaadin doono Iiraan, jawaabtu waa mid ku xidhan qeexidda badbaadin waxa laga wado. Haddii badbaadintu tahay in uu ciidamo iyo maraakiib dagaal soo diro, jawaabtu waa maya. Se kolka badbaadinta looga jeedo dammaanadqaadka in awoodda Iiraan sii joogto, waxna iska caabbiso, ugu dambayna wadahadal lala galo, jawaabtu waa haa, isagoo weliba is deggan oo istiraatiijiyadaysan u fulinaya. Qaabkanina waa mid xaqiijiyey tayadiisa sare iyo sida uu ugu xooggan yahay dhinacyada la is hayo. Xilli dagaal socdo, Shiinuhu waxa uu saaxiibkii siinayaa garab adag, se aan ciidan ahayn, oo ah istiraatiijiyad, iskuxidhnaan dhaqaale, iyo kaabayaasha duni ay awooduhu badan yihiin.

Exit mobile version