Thursday, September 11

Yoweri Museveni ayaa sheegay in uusan arkin sabab uu Ruushka ugu dhaleeceeyo dagaalka Ukraine, isagoo bogaadiyay saaxiibtinimada Ruushka iyo Afrika.

Museveni oo ka barbar hadlayay wasiirka arimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, oo ku guda jira socdaal afar waddan oo Afrikaan ah oo uu taageero uga raadinayo Moscow ayaa ku ammaanay Ruushka inuu yahay saaxiibka halgankii ka dhanka ah gumeysiga ee qarnigii hore.

“Haddii Ruushku khalad sameeyo markaas waanu u sheegaynaa, laakiin marka aysan khalad samayn kama hor iman karno ,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Museveni.

Axmed Dhaqane, Hortabin Media

Exit mobile version