Thursday, October 22

Heshiiska Badar ama madiina oo shalay Magaalada Doha ee Dalka Qatar lagu kala saxiixday ayaa noqday mid durba abuuray hadal heyn fara badan, sababo la xiriira saameynta uu isbaheysigan leeyahay iyo quwada dalalka ku bahoobay.

Dalalka kala saxiixday heshiiskan oo kala ah Turkiga Pakistan, Indonesia iyo Qatar, wuxuu isbaheysigooda afarta dhinac ah diiradda saarayaa iskaashiga casriga ah ee warshadaha gaashaandhigga iyo wadaaga farsamada milatariga, waana mid sida la rumeysan yahay ka awood badan Heshiiskii Difaaca Maka oo ay ku mideysan yihiin dalalka Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga.

Heshiiskan cusub ee la saxiixay wuxuu ku saabsan yahay iskaashi ballaaran oo dhanka difaaca iyo warshadaha ciidamada ah. Qodobbada ugu muhiimsan ee uu xambaarsan yahay waxaa ka mid ah Soo Saarista Hubka iyo Maraakiibta: Afarta dal waxay si wadajir ah u dhisan doonaan warshado soo saara maraakiibta dagaalka, gantaaladiha, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo qalabka kale ee milatariga.

Sidoo kale Wadaaga Tiknoolajiyadda: Waxay isku weydaarsan doonaan khibradaha farsamo iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee difaaca si ay u yareeyaan ku tiirsanaanta hubka dibadda laga soo iibsado.

Heshiisku wuxuu fududeynayaa dhoolatusyo milatari oo wadajir ah, tababaro farsamo, iyo cilmi-baaris dhanka ciidamada ah.

Ujeeddada guud ee isbahaysigan ay hormuudka ka yihiin Turkiga iyo Qatar waa in la xoojiyo awoodda difaaca ee waddamada saaxiibka ah iyo kuwa xulafada ah, gaar ahaan xilli ay jiraan xiisado amni oo ka taagan gobolka Bariga Dhexe.

Marka la eego dalalka ku bahoobay is-baheysigan waxa uu mid walba leeyahay ahmiyada muuqata tusaalle (Awoodda Tiknoolajiyadda & Warshadaha ee Turkiga): Turkigu wuxuu leeyahay ciidanka labaad ee ugu weyn NATO. Waa dalka hormuudka u ah isbahaysigan dhanka farsamada, isagoo caan ku ah soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka (sida Bayraktar Drones), maraakiibta dagaalka (), iyo gantaalaha casriga ah.

Pakistan (Awoodda Nukliyeerka & Ciidanka):Sida la ogyahay Pakistan waa dalka kaliya ee Muslim ah ee haysta hubka Nukliyeerka. Waxay leedahay mid ka mid ah ciidamada dhulka ee ugu tababarka iyo khibradda badan caalamka, waxayna Turkiga kala shaqaysaa dhismaha maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka.

Indonesia (Awoodda Warshadaha Difaaca ee Gobolka): Waxay indonesia leedahay cudud ciidan iyo warshado u gaar ah oo soo saara taangiyada iyo qalabka gaashaaman (iyagoo horay Turkiga ula sameeyay taangiga Kaplan MT). Waxay isbahaysiga u horseedaysaa galaangal weyn oo dhanka Koonfur-bari Aasiya ah.

Qatar (Awoodda Maalgashiga & Istiraatiijiyadda): Qatar waa dalka martigeliyay heshiiska, waxayna caan ku tahay maalgashiga baaxadda leh ee mashaariicda difaaca. Waxay bixinaysaa dhaqaalaha iyo taageerada saadka (logistics) ee lagu maalgelinayo cilmi-baaris casri ah iyo isku-xirka silsiladaha wax-soo-saarka.

Maxey yihiin arrimaha ugu waa weyn ee heshiiska Badar uu dalalkan ka caawinayo ?

Hadafka ugu weyn ee afartan dal waa inay yareeyaan ku tiirsanaanta hubka iyo tiknoolajiyadda ay ka iibsadaan waddamada reer Galbeedka (sida Mareykanka iyo Yurub). Waaana kuwo doonaya in haddii cunaqabatayn ama cadaadis dhanka hubka ah uu uga yimaado reer Galbeedka, in aysan saameynin, iyagoo yeelanaya awood ah isku filnaasho ay hubkooda ku soo saartaan .

Tan labaad Iska-caabinta Halista Gobolka Heshiiskan wuxuu kusoo aaday xilli ay jiraan xiisado aad u waaweyn oo ka taagan gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran. Dalalkan (gaar ahaan Turkiga iyo Qatar) waxay doonayaan inay dhistaan cudud difaaca oo xooggan si ay iskaga difaacaan nooc kasta oo gardarro ama halis amni ah oo soo wajahda.

Qodobka seddexaad ayaa ah Ilaalinta Danaha Khadadka Ganacsiga Caalamiga ah,, Maadaama ay afartan dal ku kala yaallaan baro aad u muhiim u ah marinnada badaha iyo ganacsiga adduunka (sida Gacanka Cadmeed/Carbeed ee Qatar, marinka Bosphorus ee Turkiga, iyo marinka Malacca ee Indonesia), iskaashigan wuxuu ka caawinayaa inay yeeshaan awood ciidan (gaar ahaan maraakiibta dagaalka) oo ay ku ilaashan karaan danahooda dhaqaale iyo kuwa istiraatiijiyadeed.

Geesta kale Falanqeeyayaasha Caalamiga ah ayaa sidoo kale aamisan in heshiiskan ay ku hoos duugan yihiin xaqiiqooyin siyaasadeed iyo mida milatari, waxaana la rumeysan yahay in waqtigan Baraarug ay la yimaadeeen dalalka Suniga ah, kuwaa oo is garabsanaya.

Dhanka Difaaca Cirka: Dalalka sida Qatar waxay heshiiskan u galeen inay la yimaadaan tiknoolajiyad ay isaga difaacaan gantaalaha ballistic-ga ah iyo drones-ka, maadaama colaadda gobolka ee Israa’iil ay saameyn karto amniga wadamada Gacanka.

Dalalka ku bahoobay heshiiskan Waxay garawsadeen in waddamada waaweyn (sida Mareykanka) ay hubka ugu deeqaan Israa’iil halka dalalka Muslimiinta ah laga gooyo marka ay dhibaatadu jirto. Sidaas darteed, waxay go’aansadeen inay iyagu hubkooda samaystaan si aysan cidna ugu tiirsanaan.

Dhanka kale Israa’iil ayaa indhaha ku heysa Isbaheysigan, waxana xusid mudan in Raiisul Wasaaraha Israa’iil uu horay u sheegay inay jiraan “Isbahaysiyo mayal-adayg ah” oo gobolka ka dhashay. Heshiiskan wuxuu muujinayaa in dalalka Suniga ah ee waaweyn (sida Turkiga iyo Pakistan) ay dhisanayaan cudud u gaar ah oo ka madax-bannaan saameynta reer Galbeedka ee taageerta Israa’iil.

Si kastaba shaki la’aan waxaa isbaheysigan lagu tilmaami karaa mid ka mid ah heshiisyada ugu waaweyn uguna muhiimsan ee sanadihii ugu danbeeyey ay yeesheen dalalka islaamka ah, gaar ahaan suniga, waana tallaabo istiraatiiji ah oo dhan kale u beddeli karta miisaanka awoodda Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka.

Exit mobile version