Monday, September 15

(Hortabin Media) – Waqtigan, inkastoo ciidamadu ay dadaal ku jiraan, haddana waxaa muuqanaya gaabis dhanka sugida amniga caasimada la xiriira, maddaama toddobadkii la soo dhaafay Al Shabaab ay Muqdisho ka geysatay dhowr weerar.

Weerarada ay Al Shabaab geysatay oo isugu jiray qaraxyo ay dad badani ku geeriyoodeen kuwana ku dhaawacmeen, ayaa qal qal galiyey amniga magaalada, oo in muddo ahba xasilooni ku naalooneysay.

Dadka Caasimada ku dhaqan iyo ururada bulshada rayidka, ayaa sheegaya in maamulka gobolka Banaadir uu ka gaabinayo masuuliyada dhanka amniga ee ka saaran Muqdisho.

Maamulka ayey sheegeen in aanu xiriir rasmi ah la lahayn hay’adaha amniga, iyo ciidamada xasilinta caasimada, taas oo soo de-dejisay qal qal la soo gudboonaaday amniga Muqidsho.

Waxgaradkan ayaa maamulka ugu baaqay inuu door weyn ka qaato masuuliyada dhanka amniga oo ah mid hoostagta Maamulka Gobolka Banaadir, waxeyna ku booriyeen inuu shaqo galiyo hay’adaha amniga ee degmooyinka, kuwaas oo garab xooggan u noqon kara ciidamada xasilinta.

Maamulka ayaanan sidoo kale xiriir wada shaqeyn la lahayn dadka shacabka ah ee ku nool magaalada, taas oo soo koobeysa helida xogaha ku aadan dhagarta ay maleegayaan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa jimcihii qarax khasaare badan geystay ka fulisay, maqaayad dhowr tallaabo u jirta Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo uu isku qarxiyey qof naftiis halige ah.

Qaraxaasi ayaa dhaliyey hadal heyn fara badan, waxaana shacabku ay is weydiiyeen waxa u fududeeyey in ninkaasi uu ilaa halkaas isku qarxiyo, xilli dhamaan wadooyinka xaafadaha iyo isgoysyada ay taagan yihiin ciidamada xaqiijinaya amniga oo wada baaritaano kala duwan.

Exit mobile version