Waxaa xabsiga laga sii daayey Madaxweynahii hore ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo ku xirnaa xabsi ku yaalla magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Cabdi Iley ayaa jeelka ku jiray muddo lix sano ku dhow, waxaana loo jeedinayey eedo la xiriira inuu dhibaatooyin xooggan geystay mudadii uu maamulayey deegaanka Soomaalida.
Cabdi Iley ayaa xabsiga loo taxaabay Bishii Ogoosto ee sanadkii 2018-kii, waxaase shalay warbaahinta la hadlay qareenkiisa Iskendir Gezhne, kaas oo sheegay in dacwad oogaha guud ee kiiska Cabdi Iley uu ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa, taas oo ka dhigeysa iminka mid xor ah.
Cabdi Maxamuud Cumar waxaa xabsiga kula jiray Raxma Haybe oo xubin sare ka ahayd maamulkiisii dowladda deegaanka, taas oo iyadana xoriyadeeda dib u heshay.
Jeelka ayaa waxaa sidoo kale laga sii daayey wiil loo heystay kufsi gabar Itoobiyaan ah loo geystay sanadkii 2018-kii, kaas oo isna la shaaciyey in markii la xirayey aanu qaangaarin, taas oo sababtay inuu qeyb ka noqdo dadka xoriyadooda helay.
Kal hore ayey ahayd markii Cabdi Maxamuud Cumar lagu soo oogay dacwad ah in uu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeed oo lagu burburiyay rabshado ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, balse dhamaan eedahan waxaa laalay oo ka laabtay dacwad oogaha.
Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Iley, ayaa sanado badan Madaxweyne ka ahaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana mudadaasi la sheegaa inuu tacdiyo kala duwan ka geystay dowlad deegaanka, isla markaana uu si aad ah u caburiyey dadka deegaanka, isagoo la shaqeynayey xukuumadii Tigreega ee halkaasi ka jirtay.