Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, ayaa sanadihii ugu danbeeyey wajahayey dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah, mana jirto cid si dhab ah ugu kuurgaleysa xaaladooda.
Barakacayaashan ayaanan helin wax raashin ah, xilli dowladdaha caalamka ay Soomaaliya ku taageeraan lacago loogu tala galay dadka barakacayaasha ah.
Lacagta iyo raashinka loogu tala galay dadkan oo soo mara Gobolka Banaadir, ayaa loo masuq maasuqaa si xooggan, waxaana barakacayaasha loogu dhiibaa Gudoomiyayaasha degmooyinka, kuwaas oo iyaguna siiya dad ay waji garanayaan.
Waxaa sidoo kale dhacda, in raashinka deeqda ah ee loogu tala galay barakacayaashan laga iibiyo dad ganacsato ah, kuwaas oo iyaguna ka iibiya bulshada ladan.
Dhibaatooyinka kale ee barakacayaasha heysta ayaa ah, horjoogayaasha iska leh kaamamka ee ku jiraan, kuwaas oo iyaguna afka u dhigta kaalmadii loogu soo dhiibay dadka kaamamkooda ku jira.
Si kastaba, dowladda ayaa maalmahan diirada saareysay arrimaha masuq maasuqa oo ay sheegtay in ay la dagaalami doonto, waxaase laga dhursugayaa doorka ay dowladdu ka qaadato joojinta arrintan.