Monday, September 15

(Hortabin Media) – Waxaa sanadihii ugu danbeeyey kordhayey dabka qabsanayo suuqyada Soomaalida ee ku yaalla deegaanada kala duwan ee dalka.

Gubashada suuqyadan waxaa ka dhasha khasaare hantiyeed oo aad u xooggan, waxaana fuqara noqda dadka ganacsiyada ku leh suuqyadaasi.

Shalay waxaa gubtay Suuqa Jowhar oo ku yaalla xaafadda Hanti-wadaag, waxaana dabka uu suuqa heystay wax ka badan 15 saac, taas oo keentay inuu basbeelo.

Khasaare hantiyeed oo aad u ballaaran ayaa ka dhashay, dabka ka kacay Suuqa Jowhar, welina ganacsatadii suuqaasi ma helin wax gurmad lacageed ah.

Dabka ka kacay suuqan ayaa daba jooga, dab xariir ah, oo sanadkan gudhiisa qabsaday suuqyo badan oo ku yaalla gayiga Soomaalida.

Waxaa sanadkan gudihiisa gubtay Suuqa weyn ee Bakaaraha, Suuqa Waaheen ee Hargeysa, Suuqa jigjiga, Midka Boosaaso iyo kuwo kale.

Soomaali badan oo ku nool dalka iyo dibadiisa ayaa gargaar gaarsiiyey qaar ka mid ah ganacsatadii ku hanti beeshay suuqyadaasi, waxaase baaritaan u baahan sababaha kordhinaya dabkan ku soo noq noqnaya suuqyada Soomaalida.

Dadka sida dhaw ula socda arrinta iyo ganacsatada qaarkood ayaa shaki ka muujinaya, waana kuwo aamisan in ay ka danbeeyaan dad dano gaar ah ka leh arrintan, taas oo u baahan in laga feejignaado.

Ganacsatada qaar ayaa soo jeedineysa in suuqyada loo sameeyo ilaalo hubeysan oo seexda habeenkii, maaddaama inta badan uu dabku kaco xilliga habeenkii ah, waana arrinta qura ee looga hortagi karo dabkan ka kacaya suuqyada ku yaalla deegaanada Soomaalida, kaas oo noqday khatar dhanka hantida Soomaalida.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version