Monday, September 15

Waxaa maanta lagu qabtay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho banaanbax lagu xusayo qaraxyadii labada ahaa ee maanta oo kale 29-kii October ee sanadkii hore ka dhacay isgoyskaasi.

Isu soo baxan oo ay soo qaban qaabisay dowlada Soomaaliya ayaa waxaa isgoyska soobe isugu yimid dad weyne aad u fara badan, oo ay ku jiraan arday, waalidiin iyo ganacsato waxaana halkaasi kula hadlay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarasha xukuumada soomaaliya Faarax Cabdiqaadir oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dad maata ah lagu xasuuqay halkaasi, isagoo shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan iyo midnimo.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa dib u milicsaday xusuustiisa qaar ka mid ah qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxana uu hoosta ka xariiqay in Al Shabaab ay si gaar ah u beegsanayaan bahda waxbarashada.

Sanad kadib qaraxii Soobe two ayaa waxaa muuqanaya in dowlada Soomaaliya ay dagaal aad u xooggan la gashay Al Shabaab, isla markaana ay kala wareegtay deegaano badan oo ay Al Shabaab hore gacanta ugu hayeen.

Exit mobile version