Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay isu soo bax ay qaban qaabiyeen maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo lagu xasuusanayey dhibaatadii dhacday 14-kii October sanadkii 2017-ka.
Dad Weynaha isu soo baxan ka qeyb qaatay ayaa isugu yimid isgoyska Soobe oo ahayd halka ay ka dhacday mashaqada sanadkii 2017-ka, iyagoo muujinayey dareenkooda ku aaddan sida ay uga xun yihiin muwaadiniintii lagu xasuuqay goobtaasi.
Isgoyska Soobe waxaa shacabka kula hadlay masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka waramay khatarta argagixisada, iyo kaalinta kaga aaddan shacabka in ay ka feejignaadaan dhagartooda.
Ugu danbeyntii waxaa loo tacsiyeeyey qoysaskii eheladooda ku waayey musiibadii Soobe, waxaana dowladda ay shacabka ka dalbatay in ay la shaqeyso hay’adaha amniga.