Saturday, September 13

Munaasabada lagu maamuusayey mudannata ay leedahay 26-ka june ee 63-guuradii ka soo wareegtay markii ay gobolada Waqooyi xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. 

Munaasabada oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoonada labada aqal ee Barlamanka, golayaasha kala duwan ee dowladda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowladda Fedraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa ugu horeyn ka dhawaajiyey in laga habsaamay xalinta khilaafka ay ku kala maqan yihiin soomaaliya iyo gobolada waqooyi, kaas oo sida uu sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan xalintiisa guul looga gaari doono.

Xasan sheekh ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ka fogaadaan wax kasta oo kal irdheyn kara, wuxuuna dhanka kale soo hadal qaaday daruufihii ay ummada Soomaaliyeed qaabileen bur burkii kadib, oo uu ku sifeeyey kuwo xanuun badan.

Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa munaasabada ka sheegay in ay niyad jab ku heyso in calanka Soomaaliya aan laga saareynin Hargeysa, taas oo sida uu yiri sabab u ah tabasho yar oo jirta, isagoo sidoo kale madaxweynaha ku dhiirageliyey dadaalada loogu jiro in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka sheekh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeybo ka mid ah dalka ay ka socdaan dagaalo uu dhiig ku daadanayo, wuxuuna soo jeediyey in madaxda dalka ay door ka qaataan sidii dhibaatoyinkaasi looga gudbi lahaa.

Abaaraha markii ay ku beegnayd 12-kii saqdii dhexe ayaa Aqalka Dowlada hoose ee Xamar laga saaray calanka Soomaaliyeed, waxaana Madaxweynuhu uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version