Friday, September 12

Waxaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ka qabsoonto xuska sanad guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay ururkii gobomimo doonka ee SYL.

Waxey ahayd 1943-dii markii maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, loo aqoonsadsy 15-ka May, waana mid ku timid dadaalkii ay dhalinyaradii ay SYL ka geysteen xornimada dalka uu ku naaloonayo.

Xaflado kala duwan oo ay sameysanayaan ururada dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa saaka la qorsheynayaa, waxaana munaasabadahaasi looga hadlay doorkii ay dhallinyaradu ka qaateen xornimada dalka.

Xuska 15 may ayaa sanadihii ugu danbeeyey ku soo aadayey, xilli dhallinyarada Soomaaliyeed ay wajahayaan daruufo kala duwan oo ay ugu amni xumida iyo shaqo la’aanta.

Dhallinyarada ayaa sidoo kale 30-kii sano ee la soo dhaafay dhibaato ka dhaxashay, howlaha la xiriira tahriibta, oo ay ku naf waayeen dhallinyaro badan.

Exit mobile version