(Hortabin Media) – Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka AIDS-ka adduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdishu, waxaana munaasabadda si wadajir ah usoo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Guddiga ka hortagga xanuunka AIDS-ka ee Soomaaliya.
Munaasabada oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jira dhaqaatiir culumaa’udiin, dhallinyaro iyo haween ayaa intii ay socotay looga hadlay dhibaatada cudurka uu ku hayo bulshada iyo qaabka looga hortagi karo.
Dr xamsa maxamed cabdulaahi oo ah sarkaal wasaarada caafimaadka u qaabilsan daryeelka iyo daweynta cudurka HIV AIDS, ayaa sheegay in dad 7-kun gaaraya ay qabaan cudurkan, kuwaas 4-kun ka mid ah dawooyinka qaata.
Sidoo kale Cali cabdi Maxamed oo ka mid ah dadka la nool xanuunka ayaa sheegay in xanuunka uu ku dhacay sanadkii 2007-dii, wuxuuna iminka qaataa dawooyinka kaalmaatiga ah.
Dadka cudurka la nool ayaa si joogta ula kulma faquuq uga yimaada bulshada inteeda kale, sida uu madasha ka sheegay Axmed Maxamed Jimcaalle oo ah gudoomiyaha guddiga ka hortaga cudurka HIV- AIDS ee Soomaaliya.
Gudoomiye Jimcaalle ayaa ugu danbeyntii madaxda sare ee dowladda u diray fariin ku aaddan in loo howl galo sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen dadka la nool xanuunka AIDS-ka
Xuska Maalinta Aids-ka adduunka oo maanta dunida laga xusayo sanadkii 35-aad ayaa xanbaarsan hididiilo iyo rajo ku aaddan in cudurkan gabi ahaanba laga adkaado sanadka 2030, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Barnaamijka Wadajirka Qaramada Midoobay ee UNAIDS.