Sunday, September 14

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo golihiisa wasiirrada ayaa shalay tagay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, halkaas oo uu ka dhacay kulan looga hadlayey amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kulankaasi ka sheegay, in Xukuumadda Soomaaliya ay u guureyso xarunta Xibiga, taas oo dayactir lagu sameeyey dhawaan.

Arrimo la xiriira amniga Muqdisho ayaa diiday in Xukuumaddu ay kal hore u guurto xarunta Xisbiga oo la dhisay mudadii ay shaqeyneysay xukuumaddii uu hoggaaminayey Xasan Cal Kheyre.

Xamse ayaa si cad u sheegay in amniga Muqdisho uu soo hagaagayo, taasna ay keeneyso in ay ku shaqeeyaan golihiisa wasiirrada xarunta xisbiga ee Muqdisho.

Sida Ra’iisul Wasaaruhu sheegay waxaa xaruntaasi agagaarkeeda laga saaraya dadka degan, si loo xaqiijiyo amniga guud ee golaha wasiirrada halkaasi ku shaqeynaya.

Exit mobile version