Thursday, January 15

Xogo rasmi ah ayaa sheegaya in jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ay ku war-gelisay shirkadda diyaaradaha dalka Jabuuti ee Air Djibouti in ay joojiso duulimaadka ay ku tagto Somaliland isla markaana waqti kama dambeys ah u qabatay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Arbacada soo aaddan oo bishaan Jannaayo ku beegantahay toddobo uu ku ek-yahay waqtiga loo qabtay duulimaadka Air Djibouti ee Somalilnd tagi jiray, Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shirkaddu ay arrintaan war ka soo saari doonto. Air Djibouti ayaa toddobaadkii Somaliland ku tagi jirtay dhowr duulimaad.

Inkasta oo aysan weli Somaliland iyo Air Djibouti-ba aaney si faahfaahsan uga hadlin arrintaan, haddan waxaa la fahamsanyahay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland kaas oo salka ku haya aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland oo Jabuuti ay ka mid noqtay dalalka ka horyimid.

Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dalal kale ayaa tallaabada Israa’iil ka hor-yimid iyagoo taageero u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo guudahaan madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale khilaafku waxaa uu keenay in Somaliland dhawaan ay u yeerato wakiilkii u joogay dalka Jabuuti.

Exit mobile version