Saturday, September 13

Waxaa xukunno kala duwan lagu riday dhallinyaro, dhawaan qoys Soomaaliyeed oo degan Boosaaso, kula kacay fal heybsooc ah.

Maxkmada magaalada Boosaaso ayaa maanta dhallinyaradan ku riday xukun xabsi ah oo u dhaxeyaa 5 sano ilaa 6 sano, waxaana mid walba sidoo kale lagu xukumay in bixiyo lacag dhan afar kun oo dollar, taas oo magdhaw ahaan loo siinayo qoyskii ay falka heybsooca ah kula kaceen.

Dhawan ayey ahayd markii dhallinyarada ay xilli habeen ah, gurigooda ku weerareen qoys Soomaaliyeed oo degan magaalada Boosaaso, iyagoo handadaad u geystay.

Raggan 5-ta ah, ayaa qoyska ka duubay muuqaal ay soo galiyeen baraha bulshada, kaas oo muujinayey sida arxan darada ah ee ay ula macaamilayeen xubnihii qoyska.

Falka ay ku weerareen qoyska ayaa ka dhashay, hablo isku aflagaadeeyey mareegta TIK-TIK, waxaana qoysku ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda beelaha Soomaaliyeed ee la heybsooca.

Xukunkan waxaa soo dhaweeyey inta badan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo markii hore ka dhiidhiyey ama aad uga carooday falkii waxuushnimada ahaa ee lagula kacay qoyskan Soomaaliyeed. 

Exit mobile version