Bilihii ugu danbeeyey Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso askarta ka tirsan dowladda, ee dilka u geysta dadka rayidka ah.
Dilalka ay ciidamadu u geystaan shacabka, oo badanayey sanadihi ugu danbeysay ayey tallaabadani noqoneysaa mid hakineysa falalkii argagaxa lahaa ee ay ciidamadu ku kacayeen.
Arbacadii aynu ka soo gudubnay ayey Maxkamaddu u fadhiisatay xukunkii ugu danbeeyey, waxeyna xukun dil ah ku riday askari ka tirsan ciidamada dowladda oo qof shacab ah ku dilay Muqdisho.
Askarigaas ayaa lagu magacaabaa, Xasan Xuseen Nuur, wuxuuna dil u geystay bishii April ee sanadkan marxuum lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed.
Maxkamadda ayaa dhowr mar ku cel celisay in aanay aqbaleynin in askarta dowladda ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee dalka ka jira, waxeyna si cad u sheegeen in ciidanku ay yihiin ilaaliyayaasha shacabka.