Monday, September 15

Bilihii ugu danbeeyey Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso askarta ka tirsan dowladda, ee dilka u geysta dadka rayidka ah.

Dilalka ay ciidamadu u geystaan shacabka, oo badanayey sanadihi ugu danbeysay ayey tallaabadani noqoneysaa mid hakineysa falalkii argagaxa lahaa ee ay ciidamadu ku kacayeen.

Toddobaadkan maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa u fariisatay dacwado loo heystay askar dil u geysatay dad shacab ah, waxaana dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa dhowr mar ku cel celisay in aanay aqbaleynin in askarta dowladda ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee dalka ka jira, waxeyna si cad u sheegeen in ciidanku ay yihiin ilaaliyayaasha shacabka.

Exit mobile version