Friday, September 12

Dowladda Soomaaliya ayaa dar dar galisay xukunnada lagu fulinayo, askarta ku eedeysan dhibaatooyinka ay ka geysteen gudaha Muqdisho.

Ciidamadan qaarkood ayaa dil u geystay dad rayid ah, halka kuwo kalana loo heysto tacadiyo isugu jira jir dil iyo kufsi.

Maxkamada kiisaskan ku shaqada leh, ee ciidamada qalabka sida, ayaa bil kasta u fariisata dacwado loo heysto askar ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay Caasimada iyo daafaheeda.

Maxkamada ayaa sidoo kale raggan ka tirsan askarta Dowladda, ku rida xukunno isugu jira, dil toogasho ah, iyo xabsi ciidan, taas oo ay shacabku soo dhaweeyeen.

Kiiskii ugu danbeeyey ayey maxkamadu u fariisatay labo casho ka hor, waxaana maxkamadda ka soo muuqday 13 eedeysane oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo dil u geystay 9 qof oo rayid ah, kadib rasaas ay fureen, xilli ay ku sugnaayeen kontrool ku yaalla isgoyska Siinaay ee Muqdisho.

Maxkamadeynta ciidamadan ayey saraakiisha amnigu ku macneeyeen, mid loogu tala galay in lagu hagaajiyo anshaxa ciidamada, si ay kuwo kale uga baaqsadaan falal la xiriira in ay hubka dowladda ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah.

Exit mobile version