Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dil ku xukuntay askar ka tirsan ciidamada dowlada kuwaas oo rasaas ku faray dadka shacabka horaantii sanadkii aynu ka soo gudubnay.
Akartan oo ay tiradoodu gaaryso 13, ayaa iyagoo ku sugan isgoyska Siinaay waxa ay si bareer ah u dileen 12 qof oo shacab oo ay ku jiraan 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada.
Isla dhacdadaasi waxey ku dhaawaceen dad ka badan 10 qof, kuwaas oo uu ku jiro gudoomiyhihii degmaada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
Ciidamadan ayaa falkaasi u adeegsaday hub aad u culus, waxaana maalmihii ugu danbeeyey socotay maxkamadeyntooda.
Xarunta Maxkamada ciidamada qalabka sida waxaa maanta ka soo muuqday dadkii dhibanayaasha ah ee ku waxyeeloobay rasaastii ay ciidamada fureen, kuwaas oo sheegay in ay ku qanacsan yihiin xukunka Maxkamadda.