Waxaa maanta maxkamadda magaalada Kismaayo ay xukun dil ah ku fulisqy Xasan Cabdullaahi Cabdi, kaas oo 11-kii bishii 6-aad ee sanadkan dilay hooyadiis.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar, waxaana da’deedu ay ahayd 61 sano jir.
Ninkan oo qurbaha looga keenay dhaqan celin ayaa dilka hooyadiis u adeegsaday tooreey, taas oo keentay in ay ku ruux baxdo gudaha gurigeeda oo ah halka uu dilku ka dhacay.
Dhacdadan ayaa markii ay dhacday argagax ku beertay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo baraha bulshada si aad ah ugu hadal hayey kiiskan.