Friday, September 12

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee barlamanka Maamulka Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay heshiiskii uu Muuse Biixi la galay Itoobiya ee ku wajahnaa iibinta badda Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo kulan yeeshay ayaa la hadlay warfidiyeenada, waxaana ay tilmaameen in heshiiskaasi uu xadgudub ku yahay jiritaanka Somaliland, isla markaana aanay aqbali karin.

Xildhibaanada oo Warmurtiyeed soo saaray, ayaa Muuse Biixi ku eedeeyey inuu baal maray Dastuurka Somaliland, taas oo sida ay sheegeen caqabad ku noqoneysa dhismaha hannaanka maamulka Somaliland, oo 30 sano Ictiraaf raadineysay.

Xubnahan ka tirsan Barlamanka Somaliland ee kulmay ayaa badankooda ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Salal, oo ah halka uu Muuse Biixi u saxiixay Itoobiya in ay dekad iyo saldhig milatari ka dhigato.

Waxey tibaaxeen in deegaanada ay siyaasadda ku matalaan aanay iib ahayn, waxeyna Muuse usoo jeediyeen inuu gabi ahaanba heshiiskaasi laalo ama jabiyo, taas oo haddii aanay suura galin horseedi karta khatar amni, sida ay hadalka u dhigeen.

Exit mobile version